Madaxweyne Ku Xigeenka Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Borama U Tagay Xal U Helida Mudaharaadkii Maanta Ka Dhacay
 

 


Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici iyo wefti Wasiir ro iyo guurti isugu jira..........

Boorama (TNN) - Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici iyo wefti Wasiirro iyo guurti isugu jira ayaa galinkii dambe ee maanta u ambo-baxay Maga aladda Borama oo ay ka dhaceen Mudaharaado.

Madaxwayne ku xigeenka iyo weftiga la socda ayaa halkaasi u tagay sidii ay u damin laha ayeen Mudaharaadadaasi oo ay dhigayaan dad ka cadhaysan dib u dhaca ku yimid maay ar u samaynta Magaaladda Saylac, kuwaasi oo weliba xukuumadda ku eedeeyay inay fa ro-galisay doorasho Maayar cusub loogu doortay Magaaladda Saylac ee xarunta Gobolka Salal.

Madaxwayne ku xigeenka iyo masuuliyiinta kale ee la scoda oo la filayo inay gaadhaan Magaaladda Saylac, ayaa caawa kulamo la qaadanaya Madax-dhaqameedka reer Awdal ee ku doodaya inay xaq u leeyihiin Maayarnimada Saylac oo dood adag ka taagan tahay, inkasta oo Mudanayaasha Guurtida kala socda qaarkood yihiin kuwii Madaxwayne Siilaan yo ka diiday qorshihii ahaa in beesha Awdal ka tanaasusho Maayarnimada Saylac ee ay ku doodayaan.

 



Timacade News Desk
Boorama ,Somaliland