“Madaxweyne Dalkan iyo Dadkani uma baahna mana qaadi kar aan Basaas Faqash ka hadhay oo aan la garanayn wuxuu u s haqeeyo,” Xoghayaha Qorshaynta Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Mudane Cabdirashiid Riyo-Raac  

 

Xoghayaha Qorshaynta Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Mudane Cabdiras hiid Riyo-Raac, ay aa si kulul uga hadlay Afduub   lagula kacay Wariye Cabdishakuur Heersare .......


Hargeysa (TNN):-Xoghayaha Qorshaynta Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Mudane Cabdirashi id Riyo-Raac ayaa si kulul uga hadlay Afduub loo lagula kacay Wariye Cabdishakuur Heersare oo ay afduubeen koox uu soo diray Wasiirka Arimaha Guddaha Somalialnd Maxamed Cali Warancade, waxaanu isagoo arinkaa ka ka hadlaya uu yidhi sidan :- “Waxaanu arinkaa u aragnaa Qaran-jab baanu u aragnaa, Dhacdo fooxun weeyi,wax aad iyo aad looga xumaado weeyi haddii ay sidaa aanu Media kaga war helnay ay u jirto ilayn Qaran iyo Dadbaynu ilaashanaynee, waxay ahayd in Xalay Xilka laga qaado saakana Maxkamad la geeyo, markaa Xisbi ahaan waanu Camba araynay naa ,waxaanu ka tacsiyaynaynaa bulshada reer Somaliland in Wasiirkii Amnigu oo isagu Afduuba ya Saxaafadii iyo Dhalinyaradii Ubaxii Dalka, samaystayna Ciidan Beeleed, Waxa loo dhiib ay Ciida nka Dhan ee Somaliland ayuu Masuul ka yahay waxa la yaab leh waxa ku kalifay inuu 10 Inan oo Reerkiisa ah Samaystay, Mana aha Mid u qalma ama qaban kara Wasaaradaa ummadana iyo Qar ankaba sharaf dhac bay ku tahay”.


Markale isagoo Hadalkiisa sii wata Mudane Cabdirashiid Riyo Raac wuxuu yidhi sidan:- “Saxafigaa la afduubay ee Gaadhiga Wasiirka lagu afduubay ee 8 saacadoo la haysay, waa arin fool xun wa xa kale oo aanu warkeeda haynaa oo runtii Media ku jirta in Wasiirka Arimaha guddaha laga duub ay oo Warbaahitna ku jirta isagoo u hanjabaya Wariyayaal oo leh Libaaxyadayda ayaan idin siin doonaa oo idinku qadayn doona, Markaa Hantidii Qaranka iyo Tii Dawladaha Hoose kabkii uu ka go ostay ayuu Libaaxyadiisa siiyay, maantana waxay maraysaa inuu Dadka Somaliland siiyo, Markaa horaa loo yidhi Islaantii Indho la’aantiina ma dad cun bay ku darsatay?, Wasiirkii Musuqmaasuqii iyo Xilgudosho la’aantii maantana ma wuxuu ku darsaday in Shacabka Somaliland uu libaaxyadiisa ugu Hanjabo inay Libaaxyadiisu ku qadayn doonaan, iyadoo markii horeba dooxa Hargeysa Dadka ku cunay oo aanay jirin cid wax ka qabatay, oo aan maqalnay dad badan oo ay cuneen, Wasiirka waxaynu ka haynayn inuu yidhi SNM tii oo xataa Madaxweynihiisu ka mid ahaa uu yidhi Fulay bay ahayd oo way careen. Markaa Xisbi ahaan waxaanu ugu baaqaynaa Madaxweynaha Qaranka Ja mhuuriyada Somaliland inuu wasiirkaa sida ugu dhaqsaha badan uu Xilka ka qaado, oo waliba uu Maxkamadna ku hor geeyo Falkaa uu geystay, waxaanu leenahay Madaxweyne Dalkani iyo Dadk ani uma baahna mana qaadi karaan Basaas Faqash ka hadhay, oo aan wali la garanayn wu xuu u shaqeeyo.

Somaliland uma shaqeeyo Ninka maanta Libaaxyadiisa Dadka jilicsan siinaya, haddii uu Madaxwey nuhu talaabadaa qaadi waayo waxaanu baaq la mid ah u diraynaa Golaha Baarlamanku isla Mada xweynaha Laftiisa Embiijman ay Baarlamanku ku soo oogaan kaas oo ay Sababeen Wasiiradiisu”. Ayuu hadalkiisu ku soo gabagabeeyay




Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland