Madaxweyne
AMM Siilaanyo ma golaha Guurtida ayuu soo dhisaayey mise golaha
Wasiirada?

Ku dhowaaqistii lagu dhowaaqay
wasiiraddii xukuumadda Axmed M. Maxamuud (Siilaanyo) ----- judhiiba,
Mareeguhu waxa ay soo gudbiyeen magacyadii wasiirada ee la wada
suga yey. Qaar baa ku sii ladhay mid-kastaaba beesha uu ka soo jeedo.
Garanmaayo sababta, Saa! isku xisbi bay ka soo wada jeedeene.
Sugitaanka la wada sugayey ayaa malaa kala geddisnaa, oo dadka qaar
waxa ay eegayeen bal in ay ka dhex arkaan aqoon, qaar kale waxa ay
eegayeen bal in uu odaygu soo xusho xubno cusub, qaar kale waxa ay
kollayba eegayeen sida uu isu waafajin lahaa taladii ahayd tiro yar
oo wasiirro ah iyo indhaha bee luhu ku eegidoonaan. Waxa aan
ka madhnayn in dadka qaar ay ka dhex eegayeen korna yladii SNM.
Qoraalkan oo ka dhashay uun dareenka maalmahan socda ee ku jeeda
magacaabis-ta gol aha wasiirada, waxa aan jeclaystay bal in
aan dareenkayga wax kaga darsado.Waa ilaah ay mahaddii oo waxa aynu
xor u nahay in aynu aragtideena dhiibanno. Waxa aanse aad ula yaabay
markii aan arkay qoraallo ujeedo fog leh oo ah " Waan ka baxayaa
Somaliland haddii aan la i siin wasiir". Qoraaladaasi ma aha kuwo
aynu fahmi karno ujeedadooda fog, aan ka ahayn in ay yihiin dad
jecel in la burburiyo Jamhuuriyadda Somaliland oo noqotay mid lagu
faano. Sidaa darteed aynu iska baandhayno qoraalada jaadkaas ah.
Intaa ka dib waxa aan is weydiiyey, madaxweynaha cusubi ma waxa uu
inoo soo dhisayey Golihii Guurt ida ee beelaha ku salaysnaa, mise
waxa uu soo dhisayey xukuumaddiisa ku salaysan Xisb iga
Kulmiye?
Madaxweynihii hore mudane Daahir Rayaale, waxa aan qabaa haddii uu
bilawgiiba soo dh isi lahaa wasiirro wax qabanaya, oo xataa ay
isku beelyihiin, in maanta looga aayi lahaa dal dhisan oo dhaqaale
leh. Halka loogu yimi khasnaddii dawladda ee dalka oo haawana
ysa. Miyaad aragtay cid isweydiinaysa xoolihii dalku haka uu maray?
Maya ma aad arag, laakiin waxa aad aragtay dad leh wasiirradii si
siman looma qaybin. Waxa ay taasi ku tusa ysaa sida aan looga
dareen qabin waxa dadkaaga iyo dalkaaga ka maqan. Maanta xukuu
maddii Daahir Rayaale looguma iman shilin ama ganbo dhexdalool ah.
Adiga iyo garaadkaa halka ay xoolahaasi mareen. Waxa aynu wada
ognahay weliba sida hambalyada loogu asqeeyey. Tolow miyuu mutaystay?
Madaxweynaha cusub waxa aynu ka hor imanaynaa marka uu xeerka dalka
jebiyo.Dee ku ma taallo xeerkeenna beeshaas na intaasoo wasiir
sii, taa kalena intaa. Waxaase innoogu yaal waxbadan oo aynu isha ku
hayndoono, sida uu ka yeelo Madaxweynaha cusub iyo xu
kuumaddiisu. Haddii uu jebiyo, waa taa ta aynu kula xisaabtamaynaa
af iyo addinba. Waxa aynu ka rabnaa sidii uu ula shaqayn lahaa
baarlamaankeenna laga guray ilkihii ee uu Daa hir Rayaale ka
guray. Waxa aynu ka sugaynaa in aan la xidhin muwaadin xisbiga UDUB
ah oo aan lagu qaadin xukunka degdegga ah. Miyaad weligaa maqashay
xukuumaddii hore oo xidhay xubin ka mid ah xisbiga UDUB? Maya ma aad
maqal. Imisa jeer baad maqashay wa xa la xidhay oo weliba
jidhdil loo geystay xubin ka tirsan xisbiga Kulmiye? xisaab ma laha.
Imminkana ma maqli karno UDUB baa la xidhay.
Waxa aynu sugaynaa idaacaddii noqotay (Faannoole fari kama qodna bal
siday xukuuma ddani ka yeesho. Waxa aynu sugaynaa dekedda
Berbera in ay wax iska beddelaan. Waxa aynu sugaynaa lacagtan ku
xanniban Burco in xal loo helo. Yeynaan ku meeraysan wasiir ro.
Wax ka weyn baa inna horyaalla. Qoraalada qaarna ha la iska
shaandheeyo. Dagaalku ma aha ah ka xabbada laguula yimaaddo, ee mid
qalin sita ayaa ka xoog badan, oo jecel in uu Jamhuuriyaddeena
sharafta leh ku kala qaybiyo qalin. "doqoni ma garatay ah" .
Xisaa bteenu waa ay ka weyn tahay wasiirro. Odayguna dee golihii
guurtida innoomuu qaybina yn ee waa golaha wasiirrada ee
xukuumaddiisa Kulmiye.
Ishaa macallin ah, aynu isha ku hayno xukuumadda cusub.
Nabad iyo caano
Sayid-Axmed M Yuusuf
Sweden |
|