Madaxweyne, Ha ku Mashquulin maalmaha kuu had ha
y, Magcaabis iyo xil ka qaadis, wadada keliya
ee ku u furani waa qabsoomida
doorashadii Baaqatay

Madaxweyne Rayaale
oo mudadii dastuuriga ahayd ee la doortay dhamaatay ku dho w
aad laba sanadood ka hor, isla markaana tiraba sadex jeer loo
kordhiyay xilka. Ka dib markii uu ka war-wareegay inuu fuliyo
waajibka dastuuriga ah ee faraya in xukuu mada uu hogaaminayaa
ka suurta geliso dalka doorashooyin waqtigooda ku qabsoo ma,
iyadoo qaabka muda kordhinta ee sii haynta xilka Madaxweyne rayaale
meesha ka saaray nidaamkii geedi socodka dumuqraadiyada iyo
doorashooyinka ee Somaliland ka hana qaaday sanadii u danbeeyay,
kaas oo si weyn ugu soo jeediyay indhaha bee sha caalamka
dhinaca Somaliland.
Doorashada waqtigan oo beesha caalamka iyo dawladaha daneeya
qadiyada Somalil and u muujiyeen bilawgii taageero dhaqaale oo
wax ku ool ah iyo mid siyaasadeed ay aa dhawr jeer dib dhacday,
waxaana ka dhashay murano iyo khilaafyo siyaasadeed oo mudadii u
danbaysay si weyn u gilgilay saaxada siyaasada Somaliland, taas oo
sab abtay inay daneeyayaasha geedi socodka dumuqraadiyada iyo
doorashooyinka Soma liland dedaal weyn u galeen sidii xaalada
loo dejin lahaa, isla markaana loo heli lahaa xal heshiis dhinacyada
siyaasadu ku yihiin oo lagu gaadho mudo kooban qabsoomida doorasho
xalaal ah.
Heshiis ka kooban Lix Qodob oo ay wakiilo ka socda saaxiibada iyo
daneeyayaasha ge edi socodka nidaamka dumuqraadiyada
Somaliland soo hor dhigeen dhinacyada siyaa sdada ayaa qalinka
lagu duugay Axadii Sep, 30, 2009, sadex todobaad iyo maalmo ka hor,
waxay ahayd todobaad ka dib maalinta dhinacyadu heshiiska qalinka ku
duugeen in la dar-dar geliyo dhamystirka hawlaha kale ee waajibaadka
qodobada heshiisku til maamayay, balse durba waxa tegey ku
dhowaad afar todobaad, waxaana talaabadii u horaysay mar kale
xaalada ku celin gaadhay halkii. Ka dib markii madaxweyne Rayaale ku
mashquulay labdii todobaad ee lasoo dhaafay xulista sadexdii xubnood
ee laga sug ayay iyo dib u celinta laba xubnood oo ay soo kala
xuleen xisbiga ugu weyn mucaarid ka ee KULMIYE iyo Golaha
guurtidu.
laakiin si looga badbaado muran kale waxa lasoo bedelay xubnahaa oo
ay ahayd inuu madaxweyne rayaale u gudbiyo golaha awooda u leh ee
sharci dejinta, kuwaas oo sa btidii 24, Oct, 2009, gebi
ahaanba ansixiyay xubnihii todobada ahaa ee loo magcaabay komishanka
cusub.
Si hadaba hawlaha qabyada ah iyo qaabkii doorasho xalaal ah loo
qaban lahaa, isla m arkaana xubnaha cusubi u cayimi lahaayeen
mudada doorashada waxa waajib ah in h ore loo dhaariyo oo ay
xilka la wareegaan, taas oo suurta gelinay inay khuburada ser
farka ee habaynay natiijada hawsha diiwaan gelinta doorashadu dalka
u yimaadaan oo ay hawasha u guda galaan.
Sidaa darteed
madaxweyne rayaale waa inuu aqoonsado in aanu ahayn madaxweyne mudo
dastuuri ah ku jooga oo xilka loo dhaariyay, maadaama ay tan iyo
waqtigii ay d hamaatay mudadiisa dastuuriga ahayd ee loo
dhaariyay xilka qaranka oo ku koobnayd shanadood ku dhamaatay April
2008, xiligaa oo ahaa waqtiga dastuurku cayimay inay dalka
doorashada madaxtooyadu ka dhacdo, balse ay taasi meesha ka baxday
ka dib markii dib u dhaca soo noqnoqday uu meesha ka saaray waqtigii
qabsoomida dooras hada.
Mar hadii mudooyinka loo kordhiyay xilka madaxweyne Rayaale aanay
ahayn kuwo w aafaqsan qaabka sharci ee dastuurku jideeyay oo
tilmaamaya in mudada xilka madax weyne ee dastuuriga ahi tahay
shan sanadood oo ka bilaabmaya maalinta xilka loo dhaariyo, isla
markaana aanu lahay awooda dastuuriga ah ee uu leeyahay mudada
doorashada dastuuriga ah, iyadoo awooda madaxweynuhu dastuurku
naaqusay tala abooyinka uu sanadka u danbeeya qaadayo.
Hase yeeshee waxa muuqata in madaxweyne rayaale labadii sanadood ee
u danbee yay oo xilka xafiiska sii hayay. ka dib markii ay
dhamaatay mudadii dastuuriga ahayd ee la dhaariyay, iyadoo mudada
xilka loo kordhiyay markii sadexaad oo muran iyo khil aaf
badani ka abuurmay sharcinimadeeda, taas oo ujeedada ugu weyn ee
laga leeya hay tahay dhamaystirka waajibkii dastuuriga ahaa ee
qabashada doorashada dib u dhacday. Sidaa awgeed mar hadii
mudooyinka loo kordhiyay madaxweyne rayaale aa nay ahayn kuwo
uu kursiga xafiiska ku fadhiyo doorasho dastuuri ah, isla markaana
aan dib loogu dhaarin xafiiska, waxa waajib ah in aanu qaadin
talaabooyin siyaasa deed mudadaa kooban. Waxa keliya ee
mudadaa kooban ee ku meel gaadhka ah ku waajib ah dhamaystirka
hawlaha doorashada.
Laakiin waxa jiray talaabooyin waaweyn oo uu qaaday mudooyinkii ku
meel gaadhka ahaa ee sharciyadooda laysku khilaafsanaa, wuxuuna
dhamaadkii mudadiisa dastuu riga ahayd wax yar ka hor
magcaabay gobolo iyo degmooyin aan ku iman qaabka sha rcigu u
tilmaamay curintooda, isla markaana aan ku dhisnayn daraasado
cilmiyaysan iyo baahida bulshada, balse ujeedada keliya ee laga
leeyahay ahayd jiha habaabin iyo abuuris muran iyo caqabado ka
dhasha mustaqbalka.
Sidoo kale waxay xukuumada rayaale soo daabacday lacag cusub, iyadoo
xaraashtay dhul dan guud iyo dhismayaal fara badan oo magaalooyinka
waaweyn ee dalka, kuwa as oo ay u maamusheen qaab aan waafaqsanayn
sharciga, waxa kale oo mudooyinkaa uu xilka qaadis iyo magcaabis ku
sameeyay masuuliyiin badan, isla markaana wuxu ga lay
heshiisyo aan la ogayn waxay ku salaysan yihiin. Talaabooyinkaa iyo
kuwo kale ay uu madaxweyne rayaale isku mashquuliyay
mudooyinkii hore ee loo kordhiyay, wuxu una talaabooyinkaa kaga
mashquulay ujeedadii ugu weynayd ee xilka loogu kordhiyay oo ahayd
inuu sameeyo oo keliya qabyatirka iyo qabashada hawsha doorashada
mudada loo kordhiyay.
Laakiin waxa muuqata in madaxweyne rayaale markii uu gudan waayay
waajibkiisa da stuuriga ah oo mudada dastuurku u cayimay ku
qabto doorasho, halkii lagala xisaa btami laahaa lagu abaal
mariyay in mudada loo kordhiyo, taas oo ugu danbayntii keen
tay inay xaalada siyaasada Somaliland ku dhowaato mid fawdo ah.
Iyadoo ugu danba yntii dhawr todobaad ka hor xaalada lagu soo
dabaalay deganaansho iyo xoogay rajo ah. Kadib markii heshiis ka
kooban lix qodob oo ka yimi dhinaca beesha caalamka iyo
daneeyayaasha nidaamka geedi socodka dumuqraadiyada Somaliland
dedaal iyo gurm ad balaadhan usoo galeen xal u helida muranka
iyo xiisada siyaasadeed ee galaafan gaadhay Somaliland.
Sidaa awgeed madaxweyne rayaale waa in aanu u dhaqmin oo uu fahmaa
in aanu lah ayn awooda madaxweyne dastuuriya oo la doortay oo
loo dhaariyay xilka, isla mark aana ku mashquulin maalamaha
mudada xilka uu sii hayo magcaabis masuuliyiin cusub, xil ka qaadis
, abuurista hayado aan jirin iyo talaabooyin siyaasado kale, balse
waajib ka keliya ee maalmaha mudada kooban ee uu sii hayo xilka
xafiiska waajibka saarani yahay qabyatirka hawlihii doorashada, si
uu mudadaa kooban dalka uga sameeyo doorasho xor iyo xalaal ah, isla
markaana ay meesha ka baxdo dib u dhac danbe oo ku yimaada
doorashada muda dhaafka ah, waana inuu xusuusnaado waxyaabihii ka
dhashay doorashooyinka dib u dhacay ee uu masuuliyeeda lahaa oo si
weyn khatar u geliyay dhismaha qaranimada Somaliland iyo xaalada
nabadgelyo, isla markaana ujeedada heshiiska ka koobnaa lixda qodob
uu yahay. Sidii mudo kooban loogu qaban lahaa doorasho xalaal ah oo
dalka ka dhacada, taas oo aan la dhegeysan doonin wax kasta oo
marmarsiinyo u noqonaya in mar kale dib u dhac ku yimaado.
Faallo. By, Carraale M. Jama freelance journalist and huma rights
activist.
shalcaw2@htomail.com
|