Madaxweyne-KuxigeenkaSomaliland Oo MaantaXadhiga ka jaray Dhismayaal Cusub oo Hay’ada Save The Children Ku kordhisey Qaar Kamid Ah Saldhigyada Booliska Somaliland

 


Hargeysa (TNN)-Madaxweyne-kuxigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaciil (Saylici) ayaa maanta ka qayb-gely xaflad balaadhan oo xadhiga laga jaray ilaa 10 saldhig oo ay haya’da Save The Children ay ka Hir Gelisay Qaar Kamid Ah Saldhigyada Booliska Ee Somaliland, loguna tallo galay caruurta Khilaafta  s harciga , kuwaasi oo ku kala yaala Gobolada Maroodi-jeex, Awdal, Gabiley iyoSaaxil. Waxana xafladaasi oo aheyd mid si aad u heersareysa loosoo qaban qaabiyey ka soo qayb-gelay wasiirka wasaarada  Cada alada Somaliland Prof. Ismaciil Muumin Aare Wasiirka Warfaafinta C/laahi Cismaan (Geeljire) Wasiirka  W asaarada Shaqadda iyo Arimaha Bulshada Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac, Taliyaha Ciidanka Booliska  So maliland Gen. Cilmi Rooble Furre (Kabaal), iyo Wasiirkii hore ee Duulista iyo hawada Cali Waran cadde, iyo Masuuliyiin ka socoday Hay’ada Dhismayaashan fulisay ee Save The Children waxaana xafladan lagu  qa btay Hotel Maansoor ee magalada Hargeysa,


Madaxweyne-kuxigeenka Somaliland C/raxman C/laahi Ismaciil (Saylici) oo xafladaasi ka hadlay ayaa   w axa uu sheegay in loo bahan yahay in la ilaaliyo Xuquuqda caruurta yaryar, waxanu sheegay in ka  xuku umad ahaan ay wax weyn ay ka qaban doonaan ilaalinta caruurta yaryar ee somaliland waxanu yidhi  “W axaan halkan u imid in aanu mihiimad weyn aanu siimayno arintan ku saabsan ilaalinta xuquuqda  caruur ta, iyada oo ay caruurtu tahay lafdhabartii dalka, waxanuna diyaar u nahay sidii loo toosin lahaa  caruur ta sharciga khilaafta, waxanu dhinac habalyo sinayna haya’ada hawshan ku jirtay ee Save the Childer, waxanuna aad ugu sii mahad naqaynaa in ay haya’adani sameeysay meeshii caruurta lagu dhaqan celin lahaa. Booliskan waxaan leeyahay meelaha loogu tallo galay caruurta in ay iyagun ku ilaaliyaan lakiin waxa aanu aad ugu faraxsanahay in maanta laga guurayo, meeshii ilamaha yar lagula xidhayey nin tuug ah, ama sirkhan ah oo halkii ilamaha laga doonanyey in la dhaqan celiyo uu ku soo baranyey Dhaqan xumo, waxanuna leenahay booliskii loo tababaray caruurta in loo daayo oo aan meel kale loga kaxaynin, waayo waxa la galiyey dadaal iyo aqoon badan”Ayuu yidhi Madaxweyne-kuxigeenku Saylici.

Waxa kale oo isaguna xafladaasi ka hadlay Ismaciil Yaxye oo Kuhadlaayey mashruuc ilaalinta Xuquuqda caruurta ee hay’ada Save The Children waxanu sheegay in ay somaliland ka hirgaliyeen 10 saldhig oo  lo gu tallo galay caruurta khilaafta sharciga isaga oo arintaasi ka hadlayna waxa uu yidhi “Save the  Childr en muddo dheer ayey ka shaqaynaysay hawlaha ku saabsan ilaalinta xuquuqda caruurta gaar ahaan caruurta khilaafta sharciga, waxanay hay’ada Save the Children hirgalisay 10 saldhig oo shan ka mid ah ay dhismayaal ay ku kordhisay, kuwaas oo qaar ka mid ah aynu doonayno in maanta uu madaxweyne-kuxigeenku xadhiga inooga jaro, waxayna ku kala yaalan somaliland gaar ahaan 2 ku yaala Hargeysa, mid ku yaala Boorama, berbera, gabiley waxaanuna ugu tallo galnay in loogu adeego caruurta da’yarta ah ee aynu u bixinay kuwa sharciga khilaafay, dhammaan saldhigyadaasi waxa logu tallo galay caruurtasa, waxa ay Save the Children ay sameysay sharciga logu tllo galay caruurta khilaafta sharciga waxanuna la kaashanay wasaarada Cadaalada, sharciga caruurtu waxa uu shegayaa in la sameeyo Boolis u gaar ah caruurta, Maxkamado u gaar ah iyo xarumo dhaqan celineed oo u gaar ah, marka waxaynu fursad u helnay in aanu dalka ka hirgalinay 10 saldhig oo ku kala yaala gobolada somaliland.” Ayuu yidhi Ismaciil Yaxye


Nimco Maxamed Faarax oo ka tirsan Masuuliyiinta Hay’ada calamiga ah ee Save the Children oo  munaasi badaasi saaka kahadleysay ayaa Tilmaamtay in waddo shaqayn buxda ay ka dhaxayso xukuumada  soma liland waxa kale oo ay xustay in Haya’da Save the Children waxa badan ay somaliland ka qabatay  waxa nay tidhi sidan “ Save the Children waxa ay somaliland ka shaqaynaysay ilaa iyo 1998 ilaa wakhtigan aynu joogno, waxayna ka shaqaynaysay ilaalinta iyo kor u qaadida xuquuqda caruurta, waxanay wada s haqeeyn fiicani naga dhaxaysa Dawlada. gaar ahaan wasaradaha caafimadaaka oo aanu cafimaadka kala shaqayno wasarada waxbarashada oo aaanu waxabarashada kala shaqayno, wasarada cadaalada oo aanu kala shaqayno ilaalinta xuquuqda caruurta, wasarada shaqada iyo arimaha bulshada oo aanu kala shaqayno kor u qaadida xirfadaha shaqo ee dhalinayarada iyo shaqo abuuristooda, waxanu kale oo aanu la shaqaynaa dhammaan uruurada xidhiidhku naga dhaxeeyo. Save the Children waxa ay sameysay xarumo logu tallo galay in lagu dhaqan celiyo caruurta khilaafta sharciga, waxaanu tababaro siinay booliskii gacanta ku hayn lahaa caruurtaasi, waxanu qalabaynay dhammaan xafiisaydii logu adeegi lahaa caruurtaas.”Ayey tidhi Nimco Maxamed

Nimco Maxamed Faarax Waxay Gabagabdii Ugu Baaqdey Xukuumada Somaliland Inay udaayaan  Shaqaa laha iyo Booliska Loo Tababarey Iney Kashaqeeyaan Daryeelka Caruurta Khilaafta Sharciga.oo aaney kabadalin.

Waxa kale oo isaguna halkaasi ka hadlay Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Gen. Cilmi Rooble Furre (Cilmi kabaal) waxanu uga mahadnaqay hay’ada Save the Children wax qabadka la taaban karro ee ay ka fuliso somaliland waxa kale oo ka hadlay dhibaatada haysta caruurta yaryar ee ku sugan somaliland isaga oo xusay in dhibatadaasi ay cawaaqi xumo u keeni karto haddii aan waxba laga qaban, waxanu tilmaamay in loo bahan yahay in caruurta la xanaaneyo oo dhaqankooda iyo akhlaaqdooda la hagaajiyo.


Waxana hadaladiisi ka mid ahaa “Waxa layaab igu noqotay aniga oo habbeen dhawayd maray 12:00 habeenimo Misjidjaamaca weyn ee hargeysa, ayaa waxa kaabad u dhow fadhiyey afar caruur ah, mid 13 jir ayuu ii sheegay waxayna cabayeen bahashaas loo yaqaan xabagta, marka anigu wax aan u arkayey caruurteydii oo Ilma Cilmi, ayaan u arkayey aad baanan uga xanuunsaday qaarbaa abahood iyo hoyadood aan waydiyey waxayna ii sheegen in ay wada nool yihiin, hadhawna marka la xidho ilmo ayaa iga xidhan ayey yidhahadan” Ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Boliisku Cilmi Kabaal.


Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay Wasiirka wasarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada Marwo Ilha an Maxamed Jaamac iyo Wasiirka wasarada warfaafinta iyo wacyigalinta C/laahi Cismaan (Geel-jire) waxayna iyaguna tilmaamen sida logu bahaan yahay in la ilaaliyo xuquuqda caruurta waajibna ay tahay in ay helaan meel u gaar ah oo lagu dhaqan celiyo, in ay helaan boolis gaar oo iyaga u tababaran, iyo in ay helaan maxkamad gaar u ah caruurta in ay helaan waxayna balan qadeen in wixii karaankooda ah ay ka qaybqadan doonan sidii loo sugi lahaa Xuquuqda caruurta somaliland.



Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay Wasiirka wasarada cadaalada Ismaciil Muumin Aare iyo Wasiirkii hore ee duulista iyo Hawada Cali Waran Cadde oo katirsan Madaxda Xisbiga Mucaridka ah ee Udub.

waxay iyaguna ay tilmaamen in diinta islaamku dhigayso in la xanaaneyo caruurta yaryar ee soo koraysa waxanu xusay in marka ay waajib ay tahay in la ilaaliyo xuquuqdooda, waxayna walidiinta u soo  jeediye en in ay iyaguna ka war hayaan caruurtooda yaryar, kana ilaaliyaan wixii gaf ku ah, waxa kale oo uu xusay in arinta caruurtu tahay mid qaran oo sameeyn balaadhan ku leh dalka, loona bahaan yahay in xooga la saaro ilaalintooda waxa kale oo ay u mahad celiyeen hay’ada mashruucan fulisay ee Save the Children oo ay ku tilmaamen mid wax weyn dalka u qabtay.


Gabagabadii M/kuxigeenka Somaliland Mudane C/raxmaan C/laahi ismaaciil{Saylici},ayaa Xadhiga  kajar ey dhisme ay Hayada Save The Children ka hir galisey Saldhiga Ibraahim Koodbuur Ee Magaalada  Harge ysa ,Dhismahan oo kamid ah Dhismayaal Gaadhaaya ilaa 10 Dhisme oo Hayada Save Children Ka  Hirgaliy een Qaarkamid ah Saldhigyada Somaliland.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Gen.Cilmi Kabaal ayaa ugu dambeyntii si rasmi ah uga lawareegay Hayada Save The Children Dhismahan ay ka hirgeliyeen Saldhiga Koodbuur.




Axmed Maxamed Shaqalle
Shaqale_88@hotmail.com
Hargeysa Somaliland.