Madaxweyne
Geelle oo bilaabay dhaq-dhaqaaqyo
Diblomaasiyadeed oo African union ka loogu Bandhigayo Qaddiyada JSL
Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa la
sheegay inuu bilaabay hindise cusub oo uu ku doonayo in xal loo helo
qaddiyada aqoonsiga Somaliland ka dib markii uu ka rajo beelay isku
dayo la doonayay in dawlad dhexe loogu sameeyo dalkii laysku odhan
jiray Soomaaliya, taas oo uu Madaxweynaha Jabuuti hormuud ka ahaa
dadka sida weyn iskugu hawlay sidii Soomaaliya looga dhisi lahaa
dawlad.
Sida ay sheegeen ilo diblomaasiyadeed oo ku sugan dalka Jabuuti ayaa
tibaaxay in Madaxweyne Geelle haatan aanu keli ku ahayn hindisahan ,
balse ay kula jiraan madaxda dalalka Itoobiya , Kenya , Uganda iyo
dawlada Maraykanka , waxaanay wararkani sheegayaan in madaxda
dalalkani ay ka wada tashanayaan sidii ay midowga Afrika ugu qancin
lahaayeen in aqoonsi la siiyo Somaliland , ka dib markii ay isku
isku dayo fara badan oo ay midowga Afrika iyo beesha caalamku ku
doonaysay in arrinta Soomaaliya laga midho dhaliyo , isla markaana
dawlad cago adag ku taagan loo dhiso ay fashilmeen.
War kale oo laga soo xigtay diblomaasiyin jooga Kenya ayaa iyaguna
sheegaya in dawlada Kenya iyo dawlada Uganda ay Cabdillaahi Yuusuf
ku qanciyeen inaanu is hor taagin aqoonsiga Somaliland , taas oo la
sheegay inuu dabacsanaan ka muujiyay markii uu dh awaan Ismaaciil
Cumar Geelle fariin arritnaasi ku saabsan uu u gudbiyay Cabdillaahi
Yuusuf.
Source: Haatuf
|