Madaxweynaha Soomaaliya oo la hadlay Soomaalida ku nool magaalada Birmingham ee dalka Ingiriiska ..............(SAWIRRO)

 



Birmingham (TNN) :-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxa muud oo maalmahan booqasho ku joogay dalka Ingiriiska ayaa wuxuu caawa la hadlay Sooma alida ku nool magaalada Birmingham oo isugu yimid in ay dhegeystaan khudbadda madaxw eynaha Soomaaliya.

Munaasabadda oo ay soo qabanqaabisay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Birmingham ayaa wa xaa ka soo qeybgalay dad aad u badan oo ka kala yimid magaalooyinka kala duwan ee UK, waxayna dadku muujiyeen sida ay ula dhacsan yihiin Dowladda hadda u dhisan Soomaaliya, taasi oo aan ahayn KMG, isla markaana dalalka caalamka ay billaabeen in ay ula macaamilaan si ka duwan siyaabihii loola macaamili jiray dowladihii KMG ahaa ee Soomaaliya soo maray.

Qaar ka mid ah dadkii munaasabadda ka soo qeybgalay oo loo gartay in ay khudbado ka jee diyeen munaasabadda ayaa ka hadlay, waxayna khudbadahooda isugu jireen soo dha weyn ta wafdiga madaxweynaha, taageeridda dowladda Soomaaliya, iyadoo qaarkoodna ay talo iyo dardaar u soo jeediyeen madaxda dowladda. Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah Wasiirrada Gaashaandhigga C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi iyo Arrimaha Dibadda Fowsi ya Yuusuf Xaaji Aadan, Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiya Britain Danjire C/llaahi Max amed Cali Sanbaloolshe iyo shaqaale ka howlagala madaxtooyada Soomaaliya.

Intaas kaddib Prof. C/qaadir Ruumi oo xafladda xiriirinayay ayaa codbaahiyaha ku soo dhaw eeyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, si uu ujeediyo khudb addii uu ugu talagalay dadka ku nool Magaalada Birmingham. Madaxweynaha ayaa ugu horreyn u mahad celiyay dadkii soo qabanqaabiyay munaasabadda iyo dadkii ka soo qeybgalay, wuxuuna cad deeyay in uu raalli ka yahay soo dhaweynta ay u sameeyeen.

Madaxweynaha ayaa intaas kaddib wuxuu ka hadlay xaaladda dalka Soomaaliya halka ay ha dda taagan tahay iyo marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay, wuxuuna farta ku fiiqay in caalamka uu diyaar u yahay in uu wax la qabto Dowladda Soomaaliyeed haseyeeshee wu xuu xusay in taageero kasta oo la siiyo aysan waxba tari doonin haddii aysan dadka Soom aaliyeed iyagu wax qabsan.

Wuxuu mar kale ku celiyay qorshe siyaasadeedka lixda tiir ee ay dowladdiisa ku howlgele ys o, kuwaasi oo ay ugu horreeyaan wax ka qabashada amniga iyo garsoorka, wuxuuna carra bka ku dhuftay in haddii aan amni la helin aysan jirin wax suurtagelaya, sidoo kale na ay lag ama maarmaan tahay in la helo garsoor shaqeynaya.

“Waxaan u dhaartay oo aniga oo weeso qaba aan kutub qur’aan gacanta u saaray in aan xilkeyga u guto si waafaqsan danta dalka, dadka iyo diinta, taasina waan ku taaganahay weli. Waxyaabaha aan ku taameyno haddii aan nahay madaxda dowladda Soomaaliya waa labo waxyaabood oo aan dooneyno in aan Soomaaliya gaarsiinno, kuwaasi oo kala ah in Soomaaliya gaarsiinno, “SOOMAALIYA OO MID AH OO XASILLOON” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

Intaas kaddib wuxuu madaxweynaha ka codsaday dadkii munaasabadda isugu yimid in ay ka qeybqaataan soo celinta hannaankii dowladnimo ee Soomaaliya iyo weliba dib u dhiska dal ka, isagoo weliba xusuusiyay in dalka Soomaaliya uu sugayo dadka Soomaaliyeed ee dibada ha u soo baxay ee fursadaha kala duwan helay.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa dalka Ingiriiska u tegay in uu ka qeybgalo Shirkii ay Dowladda Britain soo qabanqaabisay ee looga hadlayay taageerid da Do wladda Soomaaliya, kaddib shirkaasna wuxuu Magaalada London kula hadlay Soom aali bad an oo ku nool dalka Ingiriiska.

Dhanka kalena, waxaa munaasabadda kaddib xaflad casho sharaf ah isku arkay Madaxwe ynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo xubno ka tirsan wafdigiisa oo ay ka mid ahaaye en Ra’iisal wasaare ku xigeenka, ahna wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Fo wsiya Yuus uf Xaaji Aadan, Wasiirka gaashaandhigga C/xakiin Fiqi iyo Guddoomiyaha Xis biga mucaaradka ah ee Somaliland ee UCID Feysal Cali Waraabe.Klankooda oo ahaa mid cashada dhexde eda ka dhashay oo aan horay loo sii qorsheynin ayaan si rasmi ah loo sheegi karin waxyaab ihii ay iskula soo qaadeen.


Source: HOL