WAR-SAXAAFADEED

 


Waxaan aqbalay Ra’iisul Wasaaraha soo jeedintiisii ee Golaha Wasiirada cusub ee uu soo xulay oo matala dhammaan gobolada dalka. Golahan Wasiiradu waxey heystaan kalsoon ideyda. Golahan Wsiirada waxaa sugaya howl aad u culus oo looga baahanyahay inay dha meystiraan dib-u-habeynta iyo dib u dhiska uu dalku u baahanyahay.

Ra’iisul Wassare Abdiweli Sheikh Ahmed Mohamed waxuu heystaa taageeradeyda buuxda, waxaan shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka u xaqiijinayaa inaan ognahay howlah a culus ee na horyaalla. Waxaana idiin caddeyneynaa sida ay nooga go’antahay isbedel dhab ah oo muuqda, isla markaana la dareemi karo, shacabkuna ay aamini karaan.”

Waxaan rumeysannahay in Xukuumaddan cusub ay horyaalaan caqabado fara badan. Waxaana u baahanahay in xasilinta iyo amniga la sii dar-dargeliyo, la horumariyo adeegya da bulshada, dar-dar gelin lagu sameeyo maamulka iyo maareynta maaliyada, iyo sidii dib u dhiska dalka looga shaqeyn lahaa.

Waxaan ka codsanayaa Baarlamaanka inay waajibaadkooda dastuuriga ah ka gutaan oo ay ansixiyaan, si Xukuumaddu ay u dar-dar geliso qorshaha siyaasadda, amniga, dib u habeynta maaliyadda iyo adeegyada bulshada, oo muhiim u ah xasilinta iyo horumarka Soomaaliya.

DHAMAAD

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor & Spokesperson to 
the President of Somalia
Office of the President of the Federal
Republic of Somalia
E 1: yarisow@presidency.gov.so
E 2:engabdirahman@gmail.com
Twitter: @thevillasomalia; @engyarisow
Facebook: Eng. Yarisow
M:+252 615 479 911