Warsaxaafadeed

 

 
Hargeysa (Loglivesomaliland News)-Madax-weynaha JSL Mudane  Daa hir  Ra yaale Kaahin, waxa uu maanta magacaabay xubin sharaf cusub oo ka mid noqon doona golaha Guurida Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynuhu markuu arkay qodobka 60 aad farqadiisa labaad ee   Di stoor ka Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana isagoo tixgalinaaya kaalinta  w ax ku oolka ah ee uu qaranimada Somaliland ugu jiro golaha guurtidu waxa uu u magacaabay Sheekh Daahir Xaaji Xasan Cabdile inuu ahaado xubin  sh araf ka tirsan golaha Guurtida isaga oo sida la ogyahay kaalin wax ku ool ah ka soo qaatay guud ahaan dhismaha iyo horumarinta Qaranka  Jamhuuriyad da Somaliland.


Allaa Mahad Leh


Siciid Cadaani Mooge
Af-hayeenka Madaxtooyadda JSL