WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo
waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu JSL/M/XERM/249-3438/072015
xilka qaadis iyo magacaabid ku sameeyey Garsooreyaasha maxkamada
sare.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay:Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay:Qodobka 101aad iyo 105aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda
Somaliland;
Markuu Tixgeliyey:Talada iyo soo jeedinta Guddida Cadaaladda;
Markuu Arkay:Baahida loo qabo in loo magacaabo Garsooreyaasha
Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay:Khibraddooda iyo waayo-aragnimadooda ay u leeyihiin
xirfadda Garsoorenimo;
Markuu Isku Qanciyey:In ay hanan karaan xilka iyo waajibaadka
Garsoorenimo;
Wuxuu Go’aansaday
1. In Mudane, Axmed Diiriye Qaalib, uu ahaado Garsoore ka tirsan
Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.
2. In Mudane, Cali-shucayb Sh. Ibrahim Nuur, uu ahaado Garsoore ka
tirsan Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.
3. In Mudane, Maxamed Faarax Siciid, uu ahaado Garsoore ka tirsan
Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.
4. In Mudane, Cabdiraxmaan Xasan Nuur, uu ahaado Garsoore ka tirsan
Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.
5. In Mudane, Cabdillaahi Cabdi Aadan, uu ahaado Garsoore ka tirsan
Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.
6. In Mudane, Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan, uu ahaado Garsoore ka
tirsan Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.
7. In Mudane, Cabdiraxmaan Xuseen Caynaan, uu ahaado Garsoore ka
tirsan Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.
8. In Mudane, Yaxye Cali Idiris, uu ahaado Garsoore ka tirsan
Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Xilka qaadis
Markuu Arkay:Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay:Qodobka 105aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay:Warbixintii iyo talo soo jeedintii Guddida Cadaaladda;
Markuu Yaqiinsaday:In loo baahan-yahay isbeddel lagu sameeyo
Garsoorka iyo Cadaaladda Dalka;
Wuxuu Go’aansaday laga bilaabo taariikhda maanta
In uu xilkii Garsoorenimo ee Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda
Somaliland ka qaado Mudane, Yaasiin Xasan Ismaaciil.
In uu xilkii Garsoorenimo ee Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda
Somaliland ka qaado Mudane, Axmed Xasan Dirir.
In uu xilkii Garsoorenimo ee Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda
Somaliland ka qaado Mudane, Cabdiraxmaan Madar Caraalle.
Axmed Saleebaan Dhuxul
Afhayeenka Madaxtooyda Somaliland
|