WAR-SAXAAFADEED

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XILQ/249/1-2544/062014 xilkii uu qaranka u hayey kaga qaaday Wasiirkii Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baad hista iyo Technology-yadda Jamhuuriyada Somaliland, isla markaana waxa uu madax weynuhu wasaaradaasi u soo magacaabi doonaa wasiir Cusub insha allaa.

Ujeedo: Xil-ka Qaadis

Ku:Mudane, Aaden Axmed Warsame, Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda

Mudane, Ka-dib dhibaatooyin iyo cabashooyin is daba jooga ah iyo hufnaan la’aanta shaqo ee aad ka muujisay xilka aan kuu magacaabay. Haddaba, xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 



Axmed Saleebaan Dhuxul
afhayeenka Madaxtooyadda