Madaxweynaha
Somaliland oo soo saaray Baaq qaylo dhaanta Abaareed ee Somaliland
ka jirta loogu Gurmanayo
Waxa la xaqiijinayaa inay xoolihii badankoodu baxeen, dadka nafaqo
daro iyo macaluu uli hayso, in badana barakacday
Hargeysa (TNN)-Homaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa manta
soo saar ay baaq qaylo dhaan ah oo uu Hay’adaha Caalamiga ah iyo
kuwa Wadaniga ahba kaga dalbanayo in si dhakhso ah loogu Gurmado
Deegaanada ay Abaartu ka taagan tahay ee Gobolad Salal, Awdal,
Saaxil iyo Sanaag.
“Sidii la odorosay sanadkan horaantiisii roobkii gu’ga da’ay wuu ka
yaraa guud ahaan intii la heli jiray xiliga guga. wuxuu ahaa teel
teel aan sinayn, meelo si wanaagsanbuu uga da’ay meelo wuu ku yaraa
meelana maba helin, meelaha ugu daran ee roobku seegay waxa ka mid
jiida xeebaha gobolada Awdal, Salal, Saaxil iyo Sanaag oo seddex
sano oo isku xiga roob ka di’in.
Warbixinaha naga soo gaadhaya Maamulada deegaanadaasi, dadweynaha,
hayaddaha samafalka iyo wasaaraduhuba waxay tilmaamayaan in
deegaanadaasi ku suganyanyihiin xaalad aad u adag oo ay ka
taagantahay abaar ba’an, xaaluf, biyo la,aan, iyo cunto yari.
Waxa la xaqiijinayaa inay xoolihii badankoodu baxeen, dadka nafaqo
daro iyo macaluuuli hayso, in badana barakacday oo ay ku soo urureen
tuulooyinka deegaanadaasi sida, Garbo dadar, Gargaara, Waraqa dhigta,
Calixaydh, Ceel la helay, Fadhi xun, Ceelgaal, Fiqi aadan, Geerisa,
Bulaxaar, xagal, Berbera, Beeyo dhaadheer, Raarida buur, Laasdhuure
iyo tuulooyinka Huluul xaga xeebta ka xiga
Dadka ay abaartu saamaysay waxa lagu qiyaasay inay gaadhayaan ilaa
20,000 (labaatan kun) oo qoys, Dadkaasi waxay u baahanyihiin gurmad
degdeg ah oo iskugu jira cunto, biyo, daawo iyo hoyba, haddii aan si
degdeg ah loogu gurmana waxa jirta cabsi in badani gaar ahaan dadka
jilicsan, sida caruurta iyo waayeelku u dhintaan gaajo iyo haraad.
Sidaa darteed waxaan ugu baaqaynayaa, Haayadaha Qaramada midoobay,
Haayadaha samafalka ee caalamiga ah, Haayadaha wadaniga ah iyo
dhamaan shacabka reer somalilandba inay si degdeg ah ugu gurmadaan
dadka ku tabaalaysan deegaanada ay abaarta iyo biyo la’aantu
saameeyeen” Ayuu Ku Yidhi Madaxweynaha Somaliland Baaqaasi uu ka soo
saaray xafiiskiisa
Timacade News Desk
Hargeysa Somaliland
|