Madaxweynaha Somaliland
oo shir deg-deg ah shalay iskugu yeedhay
Golihiisa Wasiirrada iyo Arrimo Xasaasi ah oo la sheegay inuu kala hadlay
Hargeysa (TNN) :- Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi
ayaa shalay kulan iskugu yeedhay wasiiradda Xukuumadiisa kujira,
isagoo kala hadlay doorashooyinkii dalka ka qabsoomay 31-May 2021,
iyo sida looga hortagi ka ro Cududda Mucaaridka ee ku aadan hanashada
Shirgdoonka Golaha Wakiilada iyo Maayarada Caasimaddaha Dalka.
Sida ay noo xaqiijiyeen illo-Wareedyo lagu kalsoon yahay oo
Wargeyska Foore soo gaadhay, Madaxweyne Biixi ayaa shalay galinkii
hore kulan gaar ah oo deg deg ah iskugu yeedhay Golihiisa Wasiiradda,
kulankaasi oo qaatay saacado, ayaa sida la noo xaqiijiyay waxa uu
kala hadlay arimo xasaasi ah oo ku saabsan doorashooyinkii isku
sidkanaa ee Dalk a ka dhacay 31-May-2021 ee Goleyaasha Deegaanka iyo
Wakiiladda oo si weyn Xisbi Xaakimka Kulmiye loogaga itaal roonaaday.
Wararkan ayaa sheegaya in Madaxweynuhu uu kulankan uu wasiiradda la
qaatay uu kula wadaagay canaan iyo talo iswaydaarsi, iyadoo kulankan
markii dambe si gaar ah loogu lafo guray qaabka iyo jawiga lagu
qaabilayo guuldarada dhinaca Xubnaha Goleyaash Deegaanka iyo
Wakiiladda looga itaal roonaaday Xisbi Xaakimkii Kulmiye, inkasta oo
mar ka hore la isla qaatay in Xubno door ah oo Golaha Wasiiradda ahi
ay ka gaabiyeen kaalintoodii, haddana waxa jawi is ku mid ah lagu
falanqeeyay sidii looga hortagi lahaa xaaladda Siyaasadeed ee soo
waajahday Xukuumadda talada ha ysa.
Madaxweyne Biixi ayaa la sheegay inuu kulankan uu Shalay Golihiisa
Wasiiradda la qaatay in si gaar ah loogu lafo gur ay hanaanka ay
Xukuumaddu uga hortagayso Midawga Xisbiyada Mucaaridka ah ee WADDANI
iyo UCID ay shalay ku dhawaaqeen ee ay kula wareegayaan Hogaaminta
Goleyaasha Deegaanka iyo Shirgudoonka Golaha Wakiilada Cusub,
waxaanu warku sheegayaa in Madaxweynaha iyo Wasiiraddu ay gabo
gabaddii isla meel dhigeen qorshe Culus oo lag u furfurayo Midawga
Mucaaridka iyadoo laga marayo dhinaca Xubnaha Xildhibaanada
Deegaanka iyo Wakiilada iyago o wasiiradda qaarkooda isla Xalayba ay
hawlgaleen.
Dhinaca kale wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaadhaya Gobolada
Bariga ayaa sheegaya in kolonyo wasiirro ah oo xukuumadda ka tirsani
in ay shalay u yaaceen dhinacaa iyo Gobollada Togdheer iyo Sanaag
kadib markii ay soo ba xeen xogo tibaaxay in xildhibaannada uga soo
baxay xisbiyada Mucaaridku ay kulammo hoose iyo qado ku yeeshen
d eegaamo ay ka mid tahay Gar-adag taasi oo keentay in ay
madaxtooyadu wasiirro door ah u dirtay Bariga.
Xigasho:
Wargeyska Foore
|