Madaxweynaha Somaliland Oo Shacbiga ku Bogaadiyay Sanadka cusub ee Islaamka






Madaxweynaha JSL, Mudane. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Munaasibadda Sannadka Cusub ee Islaamka 1435 (Hijiriyada) awgii oo ku beegan Beri 04.11.2013 oo isniin ah Hambalyo, Bogaadin iyo ducaba u dirayaa Guud ahaanba shucuubta islaamka gaar ahaana Shac biga Somaliland Meelkasta oo ay Joogaanba.


Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu Hambalyo taasi la mid ah u dirayaa Wadamada Islaamka iyo shacbiga Muslimiinta ah ee ku nool dunida dacaladiisa kala duwan oo uu leeyahay sanad wanaa gsan.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu ILLAAHAY Kabaryayaa in uu Shacbiga Soma liland iyo shucuubta islaamka guud ahaanba sanadkan Sanadkiisa ku gaadhsiiyo Bash-bash, Baa dhaadhe iyo Barwaaqo, inta Buktana uu ka Dulqaado Xanuunka, inta Caafimaad qabtana uu u siyaadiyo, intii dhimatayna uu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo.


Ugu dambayna waxa uu Madaxweynuhu shacbiga Somaliland ugu Baaqay in ay Nabad-gelyada iyo Qaran-ninada Dalka u soo wada jeedaan oo ay indho dheeraada u yeeshaan sidii ay hore-ba ugu soo jeedeen si aynu u gaadhno himiladeena qaranimo.




SANNAD WANAAGSAN OO WACAN

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL