Madaxweynaha
Somaliland Oo Marti-qaad balaadhan Madaxtooyada ugu sameeyay
qurbo-jooga dalka ku sugan

“Waxaan idin leeyahay ku soo dhawaada dalkiinii aad inta badan u soo
halganteen”
Hargeysa (TNN)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),
ayaa caawa qurba-jooga Somaliland ee ka kala yimi daafaha dunida ugu
sameeyey xarunta madaxtooyada martiqaad ballaadhan oo isugu jira
casho-sharaf iyo soo dhawayn.
Xaflad balaadhan oo qurba-jooga Somaliland lagu soo dhaynayey, ayaa
waxa ka soo qayb galay madaxweyn aha Somaliland,
madaxweyne-ku-xigeenka, guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Golaha
Wakiillada, Guddoomiya ha Xisbiga KULMIYE, masuuliyiin ka tirsan
xukuumadda, Golaha Guurtida iyo boqollaal ka mid ah qurba-jooga
Somaliland oo ka kala yimi waddamo kala duwan oo dunida ah.
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed-Siilaanyo oo furitaankii xafladda
ka hadlay, ayaa si diiran u soo dhaw eeyey qurba-jooga Somaliland,
isaga oo ka waramay doorkay ku leeyihiin horumarka dalka iyo
marxaladihi ha lgan ee loo soo maray goonni-isu-taaga Somaliland,
waxaannu yidhi “Waxaan salaan kal iyo laab ah u soo jee dinayaa
dadweynaha ka soo qaybgalay, qurba-jooga reer Somaliland iyo
martisharafta kale ee madaxda leh ee ka soo qaybgashay.Qurba-jooga
Somaliland waa dad aynu wada qirayno oo ognahay waxa xiisaha qarank
ooda ay u yimaadeen jacaylka ay waddankooda u qabaan, karaamaday
dalkooda iyo dadkooda u leeyihiin.
Waxaan aad u xasuustaa waqtigii
halganka dheer lagu jiray ee Somaliland xornimadeeda u dagaalamaysay
m eesha talada, arrinka iyo xoogguba ka imaanayey amma lagu soo
aasaasayey ururka SNM waxa uu ahaa wad damada ay qurba-joogeenu ku
dhaqan yihiin, waxay ahaayeen dadweynaha ka ciyaarayey doorka
muhiimka ah ee halganka, hadday tahay xorriyada iyo nabadda, mar
walba door laxaad leh oo muuqda oo la qiimayn k aro oo aan u
booggaadinaayo ayey marwalba ku lahaayeen qurba-joogu. Waxa kale oo
qurba-joogu gacan weyn ku lahaayeen dhismaha dalka iyo
horumarintiisa.”
Waxa uu Md. Madaxweyne Axmed Siilaanyo ugu baaqay qurba-jooga inay
sii laban laabaan dedaalka ay dalk ooda horumarkiisa ugu jiraan.
Waxa kale oo uu xusay madaxweynuhu wac-darahay qurba-joogu ka sameey
een meelkasa oo ay joogeen oo ku muujinaayeen qadiyadda
madaxbannaanida Somaliland.
“Waxa loo baahan yahay waxa weeye in hawshaas la sii laban laabo,
waynu ognahay inay qurba-joogu maga alooyin badan, tuulooyin badan
iyo gobollada fog fog mid walba halkii ka yimi ay dhisayaan meelihii
caafimaa dka, dugsiyadii, waxaynu ognahay inay Barlamaanada iyo
dunida ay la joogaan qadiyada Somaliland ka muuji yaan, waxa lama
iloobaan ah 20 guuradii 18-ka ee ka soo
wareegtay goonni-isu-taaga Somaliland doorkay ka qaateen meel kasta
oo ay joogaan,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.
“Waxaannu idin leenahay aad iyo aad baannu idinku soo dhawaynaynaa,
waddanku waa dalkiinii, dawladdu waa tiinii, qaranku waa qarankiinii,
waa tii aad u soo halgamayseen,”ayuu yidhi Madaxweynuhu.
Waxa uu madaxweynuhu ku guubaabiyey qurba-jooga Somaliland inay
carruurtooda ku barbaariyaan wadda nkooda iyo nabadgelyadiisa, isla
markaana ay ka ilaaliyaan waxyaabaha nabadgelyo darrada ah ee ka
dhacaya mandaqadda.
“Nabadgelyada oo ah aynu ku caan-baxnay oo aynu ognahay doorkaynu ku
leenahay, waxaan jecelahay dha llinyarada iyo meeshay joogaanba lagu
abuuro oo had iyo goor ka warqabaan dareenada iyo mandaqadaynu ku
nool nahay warkeeda oo dadka waaweyn ee xilkasta ahi ku guubaabiyaan
dhallinyarada waddaniyada, dh aqanka iyo diinta jacaylkeeda,” ayuu
yidhi Md. Siilaanyo.
Guddoomiyaha xisbiga talada haya ee KULMIYE Mr. Muuse Biixi Cilmi oo
halkaas ka hadlay, ayaa hadalo soo dh awayn ah halkaas uga soo
jeediyey qurba-jooga, isaga oo ugu baaqay in ay waddankoda
qurxintiisa iyo horu marintiisa dhinaca aqoonta ku dedaalaan oo xil
iska saraan.
“Wixii hore aad soo qabateen waannu idinku mahad-naqaynaa, waananu
idinku hambalyeynaynaa, waqtigan waxa jira oo qoladan qurba joogahi
ii sheegeen in hoygu macaan yahay, haddii aad doonaysaan hoyga aad
ku soo noqonaysaa ee carruurtiinu ku soo noqonayso qurxintiisu
idinkuu idiin yaalaa, waxaannu doonaynaa inaad hormood u noqotaan
kumanaan injineer, boqollaal dhakhtar iyo intaas oo aqoonyahan oo
aad fursad u hesheen intaaba inaad barataan inaad dalkiina ku soo
kordhisaan inaad isku qabaysaan oo xilkaa qadaan,” ayuu yidhi
Mr.Muuse Biixi Cabdi.
Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Md. Cabdicasiis
Maxamed Samaale, ayaa isagu waxa uu i ftiimiyey doorkii ay
qurba-joogu ka qaateen guushii xisbiga KULMIYE ka so hooyey
doorashadii madaxtooyada ee 26 June 2010 dhacday, isaga oo sidoo
sheegay inay door muhiim ah ka qaateen dib-u-dhiska dalka, waxaa nnu
yidhi; “Waa dadkii dib-u-dhiska iyo dib-u-xorraynta dalka qaybta
weyn ka qaatay, waa dadkii isbeddelkii dalka ka dhacay laf-dhabarta
ka ahaa. Waad mudan tihiin in madaxweynuhu xafladan caawa idiin
sameeyo.”
Mr. Saleebaan Maxamed oo ah Guddoomiyaha Wakaallada Qurba-jooga ah,
ayaa uga mahad-celiyey madaxw eynaha xafadan ballaadhan ee uu ku
shafray.
“Waxa farxad noo ah aniga oo ku hadlaya afka qurba-jooga Somaliland
intii duruuftu ay u samaaxday inay d alkooda dib ugu soo noqdaan aad
iyo aadbay noo farxad gelinaysaa,” ayuu yidhi Mr. Saleebaan Maxamed.
Mr. Cabdixakiim Maxamed Sheekh oo ka mid ah qurba-jooga Somaliland,
ayaa halkaas ku soo bandhigay filim dokumatari ah oo si mug leh uga
warramaya waxqabadkii xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo muddadii ay
jirtay, kaas oo ay ka soo ururiyeen gobollada iyo degmooyinka dalka,
isla markaana tabanaayey dhinac wal oo horumarka dalku gaadhay ah.
Abwaaniinta waaweyn ee dalka Xasan Xaaji Cabdillaahi (Xasan Ganey),
Abwaan Dacar iyo fannaaniintii kale ee waaweyn ayaa caawa ku soo
bandhigay bandhig faneed aad loo jeclaystay.
Source: Somaliland.Org
|