Madaxweynaha Somaliland Oo Qasriga Madaxtooyada Ku Qaabilay Ganacsato Reer Yamen Ah


 


Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland Mudane Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa kulankaasi ka dib saxaafadda uga waramay.....


Hargeysa (TNN):-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socday dalka Yeman oo iskugu jiray Ganacsato iyo xubno ka mid xukuumadda dalka Yeman.

Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland Mudane Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa kulankaasi ka dib saxaafadda uga waramay qodobadii ay ka wada hadleen weftiga Yeman iyo madaxweynaha Soma liland.

Afhayeenka Madaxtooyadda oo ka hadlay socdaalka weftiga Yeman waxa uu yidhi “Madaxweynah a Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta qasriga madaxtooy adda ku qaabilay nin Ganacsade ah oo weyn oo la yidhaahdo oo shaayo Cabdul-xaaq lagu magaca abo oo dalka Yeman u dhashay iyo wefti sare oo ka socda dawladda Yeman iyo Ganacsato kale oo uu Hoggaaminayo, ujeedada weftigaasi ay u socdeen ee ay dalka u yimaadeen waxay ahayd sidii ay u indho indhayn lahaayeen dalka, iyagoo damacsan inay maal-gelin ku sameeyaan dalka.”

“Madaxweynaha Somaliland waxa uu weftigan tafaasiil ka siiyay sida loogu soo dhaweynayo dalka n cid kasta oo u timaada wadankan Maal-gelin iyo waxtar. Waxaanu u sheegay inay ku soo dhawa ynayaan Somaliland, waxaanu tilmaamay inay Somaliland abuurayso saaxad ay cid waliba timaado isla markaana ay abuurtay saaxad nabad-gelyo oo lagu ganacsan karo, siyaasadda dawladduna ay tahay mid fur-furan oo cid kasta oo dalkan wax u qabanaysaba ay la macaamili karto,”ayuu intaas ku daray Afhayeenka Madaxtooyaddu.

Afhayeenka Madaxtooyaddu waxa uu sheegay in weftigan ka socday dalka Yeman ay Madaxweyn aha uga mahad celiyeen sida diiran ee loogu soo dhaweeyay, waxaanay madaxweynaha u sheeg een inay u socdaan sidii ay maal-gashi ugu samayn lahaayeen Somaliland oo ay ku tilmaameen dal u qalma in la maal-gashado.

Mr. Axmed Saleebaan Dhuxul waxa uu sheegay in Madaxweynuhu uu weftigan gudoon siiyay hady ado la xidhiidha agabka hidaha iyo dhaqanka Somaliland, halka weftiguna ay madaxweynaha gudo on siiyeen hadyado ay ugu tallo galeen.


Weftigan ka socday dalka Yeman isla maanta ay ka dhoofeen madaarka magaaladda xeebta ku taalla ee Berbera, waxaana halkaasi ku sii sagootiyay xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada iyo maamulka Gobolka saaxil.
 



Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland