Madaxweynaha
Somaliland Oo Qaabiley Goob-joogayaashii Caalamiga ahaa ee ka Socday
dalalka caalamka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi,
ayaa caawa qasriga Madaxtooyada ku qa abilay goob-joogayaashii
caalamiga ahaa ee ka socday dalal caalamka ee u yimi doorashooyinkii
dalka ka dhaca y shalay.
Madaxweynaha Qaranka Somaliland ayaa warbixino ka dhegeystay
Goob-joogayaashii Caalamiga ahaa ee dalka u yimi inay qiimeeyaan
lana socdaan habsami u socodka doorashooyinka Axsaabta ururada,
Xisbiyada Qaranka iyo Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka oo
dalka si nabadgelyo ah uga qabsoontay 13-November 2024.
Goob-joogayaasha oo ka socday 12 dal kana koobnaa 20 qof oo isugu
jira Ra’iisal wasaare hore, wasiiro hore iyo khuburo ku xeel dheer
arrimaha doorashooyinka, kuwaas oo shalay kormeer ku tagay Gobolada
Awdal, Mar oodi-jeex, Saaxil iyo Togdheer oo ay ku soo arkeen
nidaamka iyo kala danbaynta ay Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ay
codkooda u dhiibanayeen, taas oo ay ku amaaneen shacbiga Somaliland
inay ilaashadeen nabadg elyadooda, farriina u direen beesha caalamka,
muujiyeena inay yihiin dal iyo dad u diyaarsan inay ka mid noqda an
dalalka caalamka ee la aqoonsanyahay.
Sidoo kale waxa ay madaxweynaha la wadaageen koob iyo toban qodob oo
uga soo baxay kormeerkii ay ku ta geen gobolada dalka intii ay ka
gaadheen shalay, iyagoo beri oo jimce ah shir jaraa’id ku qaban
doona Caasim ada Hargeysa oo ay kula hadlayaan warbaahinta ka
hawl-gasha Gudaha Dalka iyo kuwa caalamiga ah.
ALLAA MAHAD LEH
Naasir Yusuf Daahir
Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada JSL.
|