Madaxweynaha Somaliland Oo Qaabilay Ku Xigeenka Danjiraha Masaarida u Fadhiya Jabuuti

 



Hargeysa (TNN):-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu xafiiskiisa ku qaabiley Safiir ku Xigeenka Masar u Fadhiya dalka aynu deriska nahay ee Jamhuuriyada Jabuuti Amb. Maxamed Al Amiir oo Maalmihii u danbeeyay hawlo shaqo u joogay Dalka Somaliland.

kulankan oo ay ku wehelinayeen dhakhaatiir masaari ah oo ka kooban 15 xubnood mudana ka waday hawlo shaqo cusbitaalka guud ee Hargeysa, ayaa madaxweynuhu ku qaabiley xafiiskiisa isaga oo madaxweynuhu uga waramay xaalada guud ee dalka iyo halkii ay ka soo bilaabeen Arrimaha caafimaadka ee ay maanta dalka u yimaadeen iyo halka uu hada maraayo oo ah mid alle loogu mahadiyo.

kulanka ka dibna waxa saxaafada uga warbixyey ujeedada kulanka wasiirka Caafimaadka Som aliland Saleebaan Ciise Axmed Xagla-toosiye oo ugu horaynba u mahadnaqay shacbiga iyo da wlada masar sida ay ugu dedaalayaan in ay wax u qabtaan shacbiga somaliland, waxa kale oo uu sheegay wasiirku in ay si buuxda ulashaqaynayaan dhakhaatiirta inta ay joogaan dalka.

masar

waxa kale oo uu sheegay wasiirku in ay labada dal iska kaashan doonaan dhinaca horumarka, N abadgelyada, waxbarashada, Caafimaadka IWM ee ay iska kaashan karaan labada Dal.

sidoo kale waxa ay kulan la qaateen intii ay ku guda jireen Qasriga madaxtooyada Wasiirka Was aaradda Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isna ku qaabiley xafiiskiisa ugana mahadnaqay weftiga sida ay isu xilqaameen ee ay ugu shaqaynayaan shacbiga Somaliland iyaga oo tabaruca ad ama bilaash ku dawaynaaya bulshada Somaliland.

ugu danbayna weftiga oo uu afkooda ku hadlaayey safiir ku xigeenka Masar u qaabilsan Jabuuti Mr. Maxamed Al Amiir ayaa ka mahad celiyey sida sharafta iyo karaamada leh ee ay bulshada i yo xukuumada Somalilandba u qaabileen weftigooda, isaga oo ku dheeraaday inay ka masar ah aan ku dedaali doonaan xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya labada dal iyo shacbigaba, halka ana ka sii wadidoonaan dedaalada ay ka wadaan gudaha somaliland ee dhinacyada caafimaad ka, waxbarashada, iyo xoojinta xidhiidhka wada shaqayneed ee labada dhianac, waxaanay mad axweynaha gudoonsiiyeen hadyad ay ugu talogaleen weftiga masaaridu.

waxaana kulankan madaxweynaha ku wehelinaayey

Wasiirka Caafimaadka, Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglatoosiye

Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Mudane Maxamed Biixi Yoonis

Wasiirka Madaxtooyada Mudnae Xirsi Cali Xaaji Xasan

Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Mudane Cali Axmed Cali.