Madaxweynaha Somaliland Oo Qaabilay Wefti Ka Socday Baanka Horumarinta Islaamka
 



Hargeysa (TNN):- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda Baanka horumarinta islaamka oo booqasho ku joogay dalka afartii maalmood ee la soo dhaafay.

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo kulankaasi ka hadlay ayaa ku bogaad iyay weftiga ka socda baanka horumarinta islaamka booqashadooda Somaliland iyo mashaar iic horumarineed oo ay ka wadaan dalka, sida uu sheegay afhayeenka madaxtooyadda Axmed Saleebaan Dhuxul oo kulankaas ka dib saxaafadda la hadlay.

Afhayeenku waxa uu sheegay in weftigani ay sheegeen inay dalka ka wadaan mashaariic ay ku horumarinayaan cisbitaalka guud ee Hargeysa, xarunta agoomaha Caasimadda iyo xarunta agoomaha magalaadda Gabiley.

Mr. Dhuxul waxa intaasi ku daray madaxweynaha iyo weftigani isku waafaqeen in Somaliland iyo baanka horumarinta islaamku sii kordhiyaan wax wada qabsigooda.

Kulankan waxa madaxweyne Axmed Siilaanyo ku wehelinayay Madaxweyne Ku xigeenka Soma liland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirrada Arrimaha dibadda, Maaliyadda iyo masuuliyiin kale.
 

 


Cumar Maxamed Faarax
Hargeysa,Somaliland