Madaxweynaha Somaliland oo Maanta Magacaabay Wasiirul Dawle iyo Wasiir ku xigeen Cusub


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale  Ka ahin, waxa uu maanta magacaabay Wasiirul dawle iyo Wasiir ku xigeen cusub. Madaxweynuhu, isagoo cuskanaya qodobka 90-aad, faqradiisa labaad ee dastuurka Somaliland, isla markaana tixgelinaya ahmiyada weyn ee ay u leeyihiin dhismaha dalka Wasaaradaha Kalluumaysiga iyo Dalxiiska, waxa uu u magacaabay Mudane Cabdi Xirsi Ducaale inuu  noq do Wasiirul dawlaha Wasaaradda Kalluumaysiga iyo horumarinta Xeeb aha.


Sidoo kale, Mudane Maxamed Axmed Faarax, waxa uu u magacaabay inuu noqdo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dalxiiska iyo Dhaqanka.

Madaxweynuhu isagoo tixgelinaya hufnaanta iyo kartida labadaasi Mu dane, waxa uu ku amray in ay sida ugu dhakhsaha badan xilka loo  mag acaabay ula wareegeen laga bilaabo taariikhda maanta.



Alla Mahad leh


Siciid Cadaani Mooge
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

 

Source:sn