Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan La yeeshay Safiir Ku xigeenka
Ingiriiska u fadhiya Itoobiya
“Waxa beryahan dambe soo baxayay hadallo aan xaqiiq ahayn oo
sheegayay in xidhiidhka Som alil and iyo Inigiriisku uu sidii hore ka
khafiifsan yahay. Arrintaas oo ah mid aan jirin”
Hargeysa (TNN):- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland
Mudane Axmed Maxamed Maxamu ud (Siilaanyo) ayaa maanta xafiiskiisa ku
qaabilay Safiir ku xigeenka Ingiriiska ee Dalka Ethiopia gaar ahaan
Addis ababa u fadhiya Mr Chris Allan.
Kulankan ka dib waxa qasriga madaxtooyada Shir Jaraa’id si wada jir
ah ugu qabtay Wasiirka Ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah iyo
Safiir ku xigeenka Ingiriiska u fadhiya magaaladda Addis-ababa.
IMG_0005
Wasiirka Ganacsiga iyo Maal-gashiga Somaliland Dr. Maxamed
Cabdilaahi Cumar ayaa sheegay in socdaalka Safiir Ku xigeenku la
xidhiidho sidii loo sii xoojin lahaa wax wada qabsiga Somaliland iyo
Ingiriiska waxaanu yidhi “Waxa maanta socdaal ku yimid dalka Safiir
Ku xigeenka Ingiriiska u fadhiya Addis-ababa, Chris Allan oo horena
dalka u yimid. Socdaalkan oo muujinaysa xidhiidhka wanaagsan ee ka
dhaxeeya Britain iyo Somaliland ee dhinacyada nabad-gelyada iyo
dhaqaalaba leh.”
“Britain waa dalka mucaawimada ugu badan siiya Somaliland, waxaanan
la leenahay dawlad ahaan iyo shacbi ahaanba xidhiidh soo jireen ah
oo ah wax wada qabsi si isku dheeli-tiran ay labada dal u
shaqeeyaan,”ayuu yidhi Wasiirka Ganacsigu.
Dr. Maxamed Cabdilaahi oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku
daray “imikana booqashadiisa iyo kulanka uu la yeeshay madaxweynuhu
waxay la xidhiidhaa sii kobcinta xidhiidhka labada dal.”
IMG_0023
“Britain waa saaxiibadda ugu dhow dhow ee ay Somaliland ku leedahay
adduunka reer galbeedka, waxaanan rajaynaynaa inuu xidhiidhkaasi sii
kardho,”ayuu yidhi Wasiirka Ganacsiga iyo maalgashigu. Waxaanu
intaas ku ladhay “Waxa beryahan dambe soo baxayay murrano iyo
hadallo aan xaqiiq ahayn oo sheegayay in xidhiidhka Somaliland iyo
Inigiriisku uu sidii hore ka khafiifsan yahay. Arrintaas oo ah mid
aan jirin oo ka fog xaqiiqda.”
“Waa dalka ugu badan ee amniga iyo dhaqaalaha kala shaqeeya
Somaliland, imikana waxay nagala shaqaynayaan dhinacyo cusub,”ayuu
intaas raaciyay.
Sidoo kale safiir Ku xigeenka Ingiriiska u fadhiya Itoobiya Mr.
Chris Allan ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay socdaalkiisa
Somaliland oo ah dal uu ka dhaxeeyo wax-wada qabsi soo jireen ah oo
ku wajahan dhinacyada dhaqaalaha iyo amniga. Waxaanu tilmaamay in
iskaashigaasi uu yahay mid mar kasta la sii xoogeynayo oo aan hoos u
dhici Karin.
Danjiruhu waxa uu intaas ku daray inay madaxweynaha isla faaqideen
qodobo la xidhiidha mashaariic horumarineed oo ay ka fulinayaan
dalka.
Cumar Maxamed Faarax
Hargeysa,Somaliland
|