Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan La yeeshay Danjire ka socda Dawladda Holland





Hargaysa (TNN):- Safiirka dawlada Holland u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Joust Strangers iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayay ayaa maanta madaxwaynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) kulan kula yeeshay xarunta madaxtooyada.

Kulankaasi dhex maray madaxwaynaha Somaliland iyo weftiga ka socday dalka Holland oo ahaa mid ay albaabadu u xidhnaayeen ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa saxaafadda uga waramay wasiirka Arrimaha dibada iyo is-kaashiga caalamaiga ah ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo kulankaasi goob joog ka ahaa iyo safiirka dawlada Holland u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Joust Strangers oo si wada jir ah shir jaraa’id ugu qabtay xarunta madaxtooyada.

Maxamed Biixi Yoonis Waxaanu sheegay in shirkaasi ay kaga wadahadleen waxyaabo badan oo ay ka mid ahaayeen sidii ay dawlada Holland wax ula qaban lahayd Somaliland gaar ahaana dhinaca horumarka.Waxaanu yidhi “Aniga oo ku hadlaya af-ka madaxwaynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxaan halkan uga mahad naqayaa Safiirka dawlada Netherlands u qaabilsan Somliland iyo Soomaaliya iyo xubno la socday oo halkan maanta (shalay) aanu ku shirnay, shirkaasi oo ahaa shir aad iyo aad u wanaagsan, waxyaabo badana waanu kaga wadahadalnay, waxaana ka mid ahaa waxyaabihii aan ka wadahadalnay sidii aanu wax u wada qabsan lahayn dawlada Holland, gaar ahaana xagga mucaawimada iyo horumarka, waxyaabaha ugu badan ee ay hore dawlada Holland inoogu qabatay waxaa ka mid ah labada dhisme ee goleyaasha guurtida iyo wakiilada oo ay ka qayb qaadatay dhismahooda iyo mashaariic kale oo yar-yar”.


wasiirka Arrimaha dibada iyo is-kaashiga caalamaiga ah, waxa kale oo uu sheegay in ay safiirka iyo weftigiisa u soo bandhigeen sidii ay dawlada Holland Somaliland uga taageeri lahayd maalgashiga iyo horumarka isla markaana ay dawlada Holland uga mid noqon lahayd dawladaha dhaqaalaha ku bixiya sanduuqa horumarinta Somaliland.Waxaa kale oo uu wasiir Biixi tilmaamay in ay safiirka iyo weftigiisa ay waydiisteen sidii ay dawlada Netherlands deeqo waxbarasho u siin lahayd ardayda Somaliland taasi oo ay ka aqbaleen sida uu sheegay wasiirku iyo sidoo kale in ay dawlada Holland ka caawiso Somaliland adeegyada dhinaca arrimaha bulshada gaar ahaana biyaha iyo waxyaabo kale.

“Imikana waxaanu u soo qadinay safiirka iyo weftigiisa la socotay sidii aanu wax u wada qabsan lahayn, una wada shaqayn lahayn, waxna noo tari lahayd dawlada Holland, gaar ahaana maalgelinta iyo horumarka sidii ay nooga caawin lahaayeen, kana soo qayb galaan sanduuqa horumarinta Somaliland, waxaanu safiirka waydiisanay deeqo waxbarasho, kuwaasi oo uu noo sheegay in ay na siin doonaan iyo in ay xagga biyaha iyo meelo kaleba wax nagala qabtaan, Wadahadaladiina imika weli way socdaan arrimo noocaasi ah ayaanu ka doodnay, waxaa kale oo aanu ka wadahadalnay sidii aanu u sii xoojin lahayn xidhiidhka iyo is-kaashiga naga dhexeeya” ayuu yidhi wasiir Biixi.

Dhinaca kale safiirka Holland u qaabilsan arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay imaatinkiisa Somaliland, isaga oo tilmaamay in kulankaasi uu la qaatay madaxwaynaha Somaliland iyo wasiirka arrimaha dibada ay iskula soo qaadeen arrimo ku saabsan siyaasada, iskaashiga labada dal u dhexeeya oo la sii xoojiyo iyo sidoo kale dhinaca horumarinta.

Mr. Joust Strangers, waxa kale oo uu sheegay in ay kaga wadahadleen in ay shirkadaha dalka Holland ay maalgashi ka samayn karaan Somaliland. Waxaanu intaasi raaciyay safiirku in ay u soo bandhigeen madaxwaynaha deeqo waxbarasho oo ay dawladiisu u fidin karto ardayda reer Somaliland.

Isaga oo arrimahaas ka ahdlayana waxa uu yidhi “Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in aan Somaliland imaado, shirkani aanu ku yeelanay xarunta madaxtooyada madaxwaynaha Somaliland, wasiirkiisa arrimaha dibada oo ay xubno kale oo wasiiro ahina goob jog ka ahaayeen, waxaanu ka wadahadalnay arrimo ay ka mid ahaayeen waxyaabo la xidhiidhay siyaasada, iskaashiga dhinaca horumarinta, iyo sida ay ugu fududaanayso ama ay ugu suurto gelasyo in shirkadaha Holland ay maalgashi ka samayn karaan Somaliland.

sidoo kale waxaanu u soo bandhignay in aanu u fidin karno deeqo waxbarasho ardayda Somaliland, taasi ay fududahay in ay ka codsan karaan deeqo ardayda reer Somaliland dawlada Holland. waxaa jira qaybo ka mid ah bulshada reer Somaliland oo kumanaan ah oo degan kuna nool dalka Holland, waxaanan u malaynayaa in bulshadaasi ay gacan ka gaysan karaan fududaynta arrintaasi, waxaanay sidoo kale qayb wayn ka qaadan karaan xidhiidhka u dhexeeya labada dal”.

 



Cumar Maxamed Faarax
Hargeysa,Somaliland