Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan Balaadhan la Yeeshay Culimmadda
Dalka
“Waxaanu mar walba diyaar u nahay inaanu culimadda la shaqayno oo la
tashano oo wixii wanaag ah ka wada shaqayno”
“Madaxweyne, Marka u horaysa waxaan kugu hambalyaynaynaa idaacadda
FM-ta ah ee quraanka kariimka ah ee bishan Ramadaan la bilatay”
Hargeysa (TNN):- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed
Maxamuud (Siilaany o) ayaa caawa qaabilay culimmadda dalka oo uu
xarunta madaxtooyadda ugu sameey ay afur iyo casho.
Kulankaas madaxweynuhu la yeeshay culimmadda waxa goob joog ka ahaa
Wasiirrada diinta iyo awqaafta, Arrimaha Gudaha iyo Madaxtooyadda.
Madaxweynaha Somaliland oo kulankaas ka hadlay ayaa culimmadda uga
mahad celiyay siday u soo ajiibeen marti-qaadkii uu u fidiyay
waxaanu yidhi “Aad iyo aad ayaan ugu fa raxsan nahay inay culimadda
sharafta lihi madaxtooyadda marti-qaad noogu timaadaa n, waxaanan u
arkaa sharaf weyn inaad soo ajiibteen oo noo timaadeen. Runtii
marti-qaadkani waxa uu naga daaran yahay ixtiraamka iyo qadarinta
aanu u hayno culimma dda iyo annaga oo ay noogu muuqato inaanay
culimmada la’aantood iyo wada shaqay ntooda la’aantood dalka iyo
dadkaba waxba inooga hagaagayn.”
Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu xusay inuu mar walba soo
dhawaynayo tallooy inka iyo wada shaqaynta culimmadda dalka, waxaanu
yidhi “Waxaanu mar walba diyaar u nahay inaanu culimadda la shaqayno
oo la tashano oo wixii aa’raa ah iyo wanaag ah ka wada shaqayno.
Dalkeenu waa dal muslim ah iyo ummad muslim ah, waana ummad jecel
wanaagga, waana ummad jecel inay if iyo aakhiraba horumarto oo wax
anfaca ku dhawaaqdo.”
“Arrintaas ayaa nagu aj-buraysa inaanu ku hoggaamino dalka oo
culimmadda dalka la tashano oo hadba wixii arrin ah ka tallo gelino.
Waxaan idiinka mahad celinayaa tallooy inka qiimaha leh ee wax ku
oolka ah ee aad soo jeediseen. Waxa kale oo aan idiinka mah ad
naqayaa taageeradda aad noo fidiseen,”ayuu yidhi Madaxweynaha
Somaliland.
Md. Axmed Siilaanyo waxa uu culimmadda ku bogaadiyay sida ay mar
walba wanaagga ugu wacyigeliyaan bulshada Somaliland, waxaanu yidhi
“Waxaan idiinka mahad celinay aa sida aad mar walba mujtamaca aad
culimmadda u tihiin u fartaan wanaagga isla markaana uga reebtaan
xummaanta.”
Sh. Cabdilaahi Sh. Cali Jawhar oo ka mid ahaa culimaddii
madaxweynaha la kulmay ayaa hadal uu ka soo jeediyay kulankaasi waxa
uu u mahad celiyay Madaxweynaha Somalila nd oo uu ku bogaadiyay inuu
ILAAHAY ku ilhaamiyay inuu la tashado culimadda dalka.
Sh. Cabdilaahi waxa uu sheegay inay aaminsan yihiin culimo ahaan in
la dhawro sharciy adda dalka isla markaana la ixtiraamo madaxda
dalka.
Sh. Cabdilaahi Sh. Cali Jawhar waxa uu ku baaqay in bulshadda lagu
wacyigeliyo inay qa batimaan cuntooyinka waddaniga ah.
“Waxaan Madaxweynaha ku ammaanayaa inuu Golihiisa xukuumadda ku soo
daray ash khaas mucaarid ah oo ka soo horjeeday, taasina ay tahay
geesinimo weyn. Waxaanan u arkayaa inay ka turjumayso inaad wax
toosiso,”ayuu yidhi Sh. Cabdilaahi Sh. Cali Jawhar.
Sh. Maxamed Aadan oo ka hadlay kulankaasi ayaa isna dhinaciisa uga
mahad celiyay madaxweynaha kulanka uu ku qaabilay culimadda dalka.
Sh. Maxamed Aadan waxa uu Madaxweynaha iyo xukuumadiisa ku ammaanay
idaacad da quraanka kariimka ah ee dalka laga furay, waxaanu yidhi
“Madaxweyne, Marka u horaysa waxaan kugu hambalyaynaynaa idaacadda
FM-ta ah ee quraanka kariimka ah ee bishan Ramadaan la bilatay ee
dalka laga furay. Waxaan rajaynayaa idaacadani Hargeysa ayay
maraysaaye’ inay dalka oo dhan wada gaadho. Waxay faa’iido ka tahay
haddii ummadda quraanku ku baxo oo meel walba gaadho gabadh dambe oo
jin innaga gallo arki mayno. Waana halka wacdiga iyo wax toosinta
ummadda laga hagayo.”
Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Md. Cali Maxamed Waran-cadde oo
kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in diintu dawlad u baahan tahay,
dawladuna diinta u baahan tahay, waxaanu yidhi “Haddii aynu nahay
dawladii iyo culimadii waxa loo baahan yahay inaynu gacmaha is
qabsano oo ummadan sidii ILAAHAY ina yidhi aynu u xukuno oo aynu
wanaag iyo diin ku xukuno ayaa runtii loo baahan yahay. Dawladda
haddii aanu nahay waxaanu nidhaahnaa culimadda ha la dhawro oo
aflagaadada ha laga daayo oo ha la heshiisiiyo. Laakiin way yar
tahay inta aanu ka maqalo culimadda oo leh waar madaxda hala daayo
.”
Sidoo kale, waxa halkaasi ka hadlay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta
Somaliland Sh. Khaliil Cabdilaahi Axmed oo ka waramay ahmiyadda ay
leedahay wada shaqaynta culimadda iyo xukuumadda oo la sii xoojiyo.
Cumar Maxamed Faarax
Hargeysa,Somaliland
|