Madaxweynaha Somaliland Oo kulan La yeeshay Wasiirka Britain U Qaabilsan Africa

 

 

 


London (TNN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo socdaal shaqo iyo fasax ku jooga dalka Ingiriiska, ayaa shalay kulan la yeesha y Wasiirka u qaabilsan Britain arrimaha Afrika Henry Bellingham.

Kulankaasi oo lagu soo waramay inuu socday muddo ayay kaga wada hadleen sidii loo sii ad kayn lahaa iskaashiga iyo cilaaqaadka labada wadan.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa kulankaasi ka d ib saxaafadda uga waramay waxyaabaha ay ka wada hadleen wasiirka Ingiriiska u qaabilsan arrimaha Afrika Henry Bellinggham ayaa sheegay inuu ahaa mid iyaga dhinacooda ka yimid maadama booqashadooda ay hadda London ku joogaan ay tahay mid aan rasmi ahayn, waxa anu tilmaamay inay Wasiirka ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal.

Madaxweynuhu wuxuu intaasi ku daray inay Wasiirka Ingiriiska u qaabilsan Afrika ay warbixi n balaadhan ka siiyeen xaalada guud ee dalka iyo sida Somaliland ugu heelan tahay iskaashi ga ay la leedahay dalkaasi.

Henry Bellingham oo isagu laftiisu qaar saxaafadda ka mid ah kulankaas ka dib hadal kooban siiyey, isla markaana wax lagaga waydiiyey ujeedada shirkaas laba geesoodka ah ayaa she egay inay ka wada hadleen arrimaha mandaqadda geeska afrika, arrimaha ammaanka, Deeq aha Britain siiso Somaliland iyo weliba sidii Somaliland iyo dawladda wadaaga ah ee Britain ay iskaga kaashan lahaayeen dhinacyada ammaanka mandaqadda Geeska Afrika.



Source: Somaliland.Org