Madaxweynaha Somaliland Oo Kormeer Kadis Ah Ku Soo Maray Qaar Ka Mid Ah Xarumaha Dawladda.
 


Madaxweynahu waxa uu kormeerkiisa ugu kuur-galay hanaanka shaqo iyo ta shaqaale ee hay’adahaasi+Sawiro...........

Hargeysa (TNN):-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ay aa maanta kormeer ka dis ah oo hawleed ku soo maray qaar ka tirsan xarumaha wasaaradaha iyo Hay’adaha qaarkood, kuwaasoo ay ka mid yahiin wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wa cyigelinta, Madaarka Caasimadda, Xarunta Dawladda Hoose ee Magalada Hargaysa iyo Cisbitaalka caruurta ee Dr. Maxamed Aadan Sheekh.

Kormeerka Madaxweynaha oo ahaa mid aanay ka war hayn Bulshada iyo Hay'adaha kala Duwan ee Dalku waxa ku wehelinaayey Afhayeenka Madaxwaynah mudane Axmed Saleebaan Dhuxul, Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada Maxamed Muuse Abees, Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweyna ha JSL Mudane Cali Axmed Cali, Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Gen Faysal Kaamil Ciise, Taliyaha Ciidanka Booliska Mudane Cabdiaahi Fadal Imaan iyo Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Gudaha Md. Cali Maxamed Waran-cadde.

Madaxweynahu waxa uu kormeerkiisa ugu kuur-galay hanaanka shaqo iyo ta shaqaale ee hay’ad ahaasi, halka sidoo kalena uu warbixino ka dhegaystay mas’uuliyiinta kala duwan ee hay’adah aasi.

Intii uu Madaxweynahu kormeerka ku joogay Xarunta wasaaradda warfaafinta, waxa uu mid mid u galay xafiisyada kala duwan ee waaxyaha wasaaradaasi isagoo si rasmi warbixino ku saabsan qaabka shaqadu u socoto iyo baahiyaha u baahan in la daboolo uga dhegaystay mas’uuliyiin ay ka mid yahiin Wasiirka Wasaaradda Warfaafiinta Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) Agaas imaha guud Md Cabdirashiid Jibriil Yuusuf, Maareeyaha TV-ga Qaranka Md Khadar Xasan Cali Ga as iyo Agaasimayaasha waaxyaha kale ee wasaaraddu ka kooban tahay.

Sidoo kale wuxuu madaxwaynuhu kormeer ku maray Xafiiska Dawlada hoose ee caasimada har geysa halkaas oo uu kula kulmay Maayarka Caasimada iyo maayar ku xigeenka oo ku jira hawl ohooda shaqo ee caadiga ahaa waxaanu ka dhagaystay warbixino ay ka siiyeen sida ay u socoto shaqada xafiiskoodu.


Waxakaloo uu madaxwaynuhu tagay Dhakhtarka Caruurta u gaarka ah Dr. Maxamed Aadan Sh eekh,halkaas oo uu madaxweynuhu ku soo arkay Bukhaankii ugu da'ada yaraa ee Dhakhtarka Jiifay sida aad sawirada ka aragtaan waxa kale oo uu Madaxwynuhu mid mid u soo gacan qaaday Bukaankii jogay Dhakhatrka sidoo kale wuxuu la kulmay oo uu warbixinan ka dhagaystay Dhakha atiir iyo kalkaaliyaayl ka hawlgal cusbitaalkaa.

kormeerkan oo ahaa mid aanu madaxweynuhu wadan wax ilaalo ah ama sidii looga bartay baab uurta khaas ka ah ee Madaxweynaha ayaa ahaa mid bulshadu aanay ka filayn madaxweynaha.


 


Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland