Madaxweynaha Somaliland oo khudbad ka akhriyey Maxadka Cilmi Baadhista Arimaha Afrika (Chatam House).

 


London (TNN)-Waxa manta khudbad dheer ka akhriyey Maxadka Cilmi Baadhista Arimaha Afrika Chatam  Ho use Madaxweynaha Somaliland Ahmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo dhinacyo badan taabanaysa, wa xa kasoo qaybgalay madax sarsare oo ka tirsan Afrika iyo dublamasiyiin iyo warbahinta caalamiga ahba,

waxa sidasoo kale kasoo qaybgalay dad fara badan oo reer Somaliland ah oo dalkan degan kana yimid meelo fog fog.

Lord treasman, waa madaxa laanta Cilmi Baadhista Arimaha Afrika (Chatam House), oo marka hore  “maha dnaq usoo jeediyey dadweynahi iyo dublamaasiyiintii madasha kasoo qaybgalay,intaas ka dib waxa uu  car abaabay sida uu ula dhacsan yahay Somaliland iyo horumarka ay sameysay dhinac walba.Isagoo weliba sii raaciyey inuu layahay saxiib Somaliland,saxiibtinimadaana uu ku adkeysanaayo oo aanu marnaba ka  tanaa suleyn.Waxa kale oo Lord Treasman ka sheekeeyey Maxadweynaha Somaliland Ahmed Maxamamed  Maxa muud (Siilaanyo),Tariikh nololeedkiisa oo kooban.

Waxa hadalkii la wareegay oo lagu soo dhaweeyey Maxadweynaha Somaliland Ahmed Maxamamed  Maxa muud (Siilaanyo),oo khudbad aad u dheer lagana soo shaqeeyey madasha ka akhriyey.oo dhinacyo badan taabanaysa,”waxa uu ku bilaabay mahadnaq uu usoo jeediyey madaxda ugu sareysa ee dalkan Ingiriiska oo ay ku jiraan Wasiiro iyo dublamaaisyiin farabadan oo uu la kulmay, waxa kale oo khudbadiisa kusoo daray warbixin uu kaga waramaayo xaaladahii kala duduwanaa ee ay soo martay Somaliland.oo ay ka mid tahay doorashooyinkii badnaa ee dalka Somaliland soo maray iyo sidii quruxda badnayd ee ay u dhaceen.

Waxa kale oo uu madaxweynahu sheegay xidhiidhka wanaagsan ee uu la leeyahay wadamada Qaarada  Yur ub iyo Mareykanka,gaar ahaan dalkan Ingiriiska sida wanagsan ee hayd iyo jeer ay arimaha Somaliland ka yeelaan.

Madaxweynahu waxa kale oo uu carabaabay arimaha jeeska Afrika gaar ahaan dalkan aynu jaarka nahay ee Soomaalia oo u rajeeyey nabad iyo kala danbeyn,kulana taliyey inay soo afjaraan dagaalada aadka u xun ee ay dadkooda ku baro kicinayaan.waxaanu sheegay inay ku tahay cawaaqib xumo Somaliland hadii dagaalkani sii socdo iyo aduunka oo dhanba.

Madaxweynaha Somaliland Ahmed Maxamamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa kale oo uu ka hadlay arimo la xidhiidha xaga dhaqaalaha iyo maalgashiga dawladaha shisheeye oo uu yidhi waxa aan rajeynayaa inay  da lkan Somaliland baal galin donaan iyo guud ahaanba dalkeena Somaliland inuu horumar la taaban karo ka sameyey xaga dakhliga oo uu madaxweynahu sheegay inay miisaaniyadu korodhtay 25% sadexdii bilood ee ugu horeysay ayna rajeynayaa in ay sii korodho.

Madaxweynaha khudbadii uu akhriyey oo aad u dheerayd dhinacyo badana taabanaysay waxa aan Insha Allah idiinku soo gudbin doonaa iyada oo ah muqaal iyo maqalba.

Waxa markii danbe isaguna madasha soo fadhiistay oo su’aalo la weydiiyey Wasiirka Arimaha Dibada  Soma lil and Dr Maxamed C/lahi oo su’aalihii la weydiiyey ay ka mid ahaayeen Alshabaab iyo kooxaha budhcad ba deeda,sidasoo kale waxa la weydiiyey waxbarashda iyo arimo ku saabsan Somalida kale,waxaanu wasiirka iyo madaxweynahuba uga jawaabeen si aad u qurux badan.

Madaxweynaha iyo waftigiisu waxa ay beryahanba joogeen dalkan Ingiriiska,waxa ay la kulmeen madax s arsare oo dalka Ingiriiska ka tirsan .waxaana safarkiisan ku weheliyey wasiiro iyo madaxkale oo ka tirsan xukumadiisa.
 


Hamse Ahmed Salaan
London
hamse100@gmail.com