Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Qeyb Galay Aaskii Qaran ee Loo Sameeyay Marxuum- Axmed Weyne



 


Hargeysa (TNN):- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay weheliyeen shirgudoonada Goleyaasha Baarlamaanka, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo xisbiyadda qaranka ayaa maanta kala qeyb galay Boqolaal qof oo ka mid ah shacbiga ku dhaqan caasimadda Hargeysa aas qaran oo Xabaalaha Xeedho maanta loogu sameeyay ALLE ha u naxariistee Marxuum- Axmed Ibraahim Daahir (Axmed weyne) oo ka mid ahaa Mudaneyaa sha Golaha Wakiiladda.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa hadal kooban oo uu ka jeediyay aaskaasi waxa uu ILAAHAY uga baryay Marxuumka inuu naxariistii jano ka waraabiyo, qoyskiisii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo. Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Marxuum-Axmed Ibraahim Daahir ahaa nin weyn oo dalkii sa iyo dadkiisa u soo shaqeeyay.

Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay madaxda xisbiyadda qaranka iyo shirgudoonka Goley aasha baarlaamaanka ee Guurtida iyo Wakiiladda waxaanay dhambaalka tacsida ah ka sokow ka sheekeeyeen sooyaalkii siyaasadeed iyo halgameed ee Xildhibaan Axmed Ibraahim Daahir (Axmed-weyne) oo xalay ku geeriyooday caasimadda Hargeysa ka dib markii uu xanuun kaga soo booday wadnaha.
 


Cumar Maxamed Faarax