Madaxweynaha Somaliland oo hambalyeeyay
Saxaafadda dalka

 



Hargeysa (TNN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), ayaa si mugleh u bogaadiyay dhammaan warbaahintii ka qayb qaadatay baahi nta munasibadihii 18-May. Sidoo kale wuxuu Madaxweyne Axmed Silaanyo si gaara u han balyeeyay warbaahinta Qaranka ee kala ah, Telefeeshinka Qaranka Somaliland iyo ilaaca dda Radio Hargaysa, oo iyaguna xafladii subaxnimada iyo midii Madaxtooyadaba si live ah u baahinaayay.

Madaxaxweynaha Somaliland oo ka jawaabaayay su’aal uu Waydiiyay Muniir Axmed Ciga al oo ka tirsan Tv’ga Qaranka xili ay socotay xafladii Madaxtooyadda lagu qabtay habee nimadii xalay, taas oo ahayd siduu u arko doorka warbaahintu ka qaadatay baahinta mun asibada 18 May iyo fariinta uu Saaafadda u diraayo Madaxweyne ahaan ayaa ku jawaab ay.

“Warbaahinta dhammaantood waan hanbalyeynayaa, runtii door wayn ayay ka qaateen gaadhsiinta bulshada Somaliland meel kasta oo ay joogaan, waan hanbalyeynayaa haday yihiin Telefeeshinada munasibadahaas gudbinayay iyo warbaahinta noocyadeeda kala du wan, haday yihiin kuwii caalamiga ahaa ee munasibada tabinaayay iyo mida maxaliga ah.

Waxaan runtii si gaara u hanbalyeynayaa warbaahinta Qaranka, gaar ahaan Telefeeshi nka Somaliland oo horumar sameeyay iyo Ilaacadda Radio Hargaysa oo markii ugu horey say bulshada dalka Somaliland ku nool u gudbinaayay xafladaha, gobol kasta oo ay ku su gan yihiin.”. Madaxweynaha Somaliland oo hadalkiisa sii wata ayaa markale yidhi. “Waxaa n iyagana hanbalyeynayaa dhammaan shacabka Somaliland gude iyo dibaadba meeshay jogaan iyagoo si wadaniyad leh uga qayb qaatay dabaaldega munasibada 18-May, waan hanbalyeynayaa ciidamdda Qaranka ee kala duwan, hay’addaha ammaanka, ganacsatada dhammaantood waxaan leeyahay hanbalyo.”

Hanbalyada iyo bogaadinta Madaxweynaha Somaliland Mud: Axmed Maxamed Maxmauud (Silaanyo) uu xalay u jeedinaayay Saxaafadda guud ahaan iyo war baahinta Qaranba, ay aa waaxaa si toosa u dawanayeen dadweynaha rer Somaliland, wakhtigaas oo ahayd ma rkay socotay Xafladii Madaxtooyadda lagu qabtay ee lagu xusaayay Munaasibada 18 may.
 


Cumar Maxmed Faarax