Madaxweynaha Somaliland Oo Gudida Akaadamiga Afsoomaaliga ku
Qaabilay Qasriga Madaxtooyada
Gudidan oo ka kooban 13 xubnood balse ay madaxweynaha la kulmeen 5
xubnood oo ka mid
Hargeysa (TNN):-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed
Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa maanta qasriga madaxtooyada
Jamhuuriyada Somaliland waxa uu ku qaabiley Gudida, Academy-ga
Daryeelka Af-soomaaliga.
Gudidan oo ka kooban 13 xubnood balse ay madaxweynaha la kulmeen 5
xubnood oo ka mid ah gudidaasi oo kala ah.
1. Gudoomiyaha Guddida Academy-ga Daryeelka Af-soomaaliga
Dr. Maxamed Daahir Afrax
2. Gudoomiye Ku-xigeenka C/rashiid Maxamed Ismaaciil
3. Macalin Siciid Saalax Axmed
4. Macalin Axmed Shiraac
5. Maxamed Warsame Hadraawi
Dhinaca Xukuumada Waxa Madaxweynaha ku wehelinaayey Shirka:
1. Madaxweyne kuxigeenka
Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)
2. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, wacyigelinta iyo DHaqanka JSL
3. Xoghayaha Gaarka ee Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane
Cali Axmed Cali
Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland
|