Madaxweynaha Somaliland Oo Furay shirweyne Lagu Saxayo Nidaamka
Garsoorka
“Waxaan la qarin karin
saluugga ka jira garsoorkeena oo gaadhsiisan
xaalad laga damqado”
“Warbixin la soo ururiyay waxa ka soo baxday waxyaabo layaab leh
manaan filaynin in ay cadaalad darro intaa leegi ka jirto
Somaliland”
Hargeysa (TNN)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)
ayaa maan ta ka furay Huteelka Ambassador ee Magaalada Hargeysa
shirweyne qaran oo la xidhiidha toosinta dhaliilaha garsoorka dalka.
Shirkan oo socon doona muddo sadex cisho ah waxa ka soo qeyb galay
Maxkamada Sare, Xeer Ilaal inta guud, sharci yaqano iyo culimo
awdiin waxaana laga soo saari lahaa qorshe hawleed lagu sixi ka ro
nidaamka garsoorka dalka.
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa
shirweynahaasi ka jee diyay khudbad dheer oo uu kaga hadlayay
siyaasada xukuumadiisu ku doonayso inay ku saxdo gars oorka dalka oo
cabasho badani ka jirto. Waxa kale oo uu Ha’yadaha ka soo qeyb galay
shir weynah an ku booriyay inay soo saaraan qorshe cad oo laga duuli
karo.
Khudbadii madaxweyne Axmed Siilaanyo ka jeediyay shirkaasi waxay u
qornayd sidan:-
“Madaxda Dawlada, Ergada Shirka iyo Marti-sharafta waxa aan idinku
salaamayaa Salaanta Islaamka: Assalaamu-calaykum Wa-raxmatulaahi
wa-barakaatu.
Mudanayaal iyo Marwooyin:
Garsoorka iyo Caddaaladu waa
laf-dhabarta nolosha ummadda iyo dawladnimada wanaagsan, waa na udub
dhaxaadka diinteena.
Haddii ay qalloocdaanna wax waliba way innaga qalloocanayaan.
Inkasta oo aan hubo inay
hawl-wadeenada garsoorka iyo caddaaladu ku soo shaqeeyeen duruufo
adag, isla markaana ay kaalin adag ka soo qaateen dhismaha
dawladnimada Somaliland, haddana waxa aan la qarin karin saluugga ka
jira garsoorkeena oo gaadhsiisan xaalad laga damqado, sida aan xogta
ku hayana waxa uu u baahan yahay gurmad aqooneed iyo garasho
xirfadeed, waana ta keentay inaan shirkan ku baaqo.
Mudanayaal iyo marwooyin, anigoo maanka ku haya in ay cadaaladu
tahay waxa ugu mudan ee ay ummadu naga sugayso wax ka qabashadeeda.
Mudadii yarayd ee aanu xilka haynay, si aan
xogoga al ugu noqdo xaalada dhabta ah ee Garsoorka, iyo cabashada
dadweynaha, waxaan kulamo kala du wan la yeeshay Guddida
Caddaalda Qaranka iyo madaxda hay’adaha ee ku hawlan Garsoorka iyo
ca daaladda, waxaanan ka dhagaystay warbixino mugleh oo ay ka soo
ururiyeen dalkoo dhan.
Haday tahay Maxkamadaha, Booliiska iyo haday tahay xabsiyada intaba,
taa waxa garab socday ba adhitaan iyo daraasad uu sameeyey
xafiiskaygu taasoo ay ku soo diyaariyeen caqabadaha Garsoo rka,
nolosha xabsiyada, maxaabiista iyo inta ugu nugul inay helaan
cadaalad.
Warbixintaas waxa ka soo baxday xog la yaableh,
oo aad iyo aad u taabatay shucuurkayga,
manaan filaynin in ay cadaalad darro intaa leegi ka jirto Somaliland
gudaheeda.
Haddaba Shir-hawleedkani waxa uu bilow u yahay siyaasad aqoon ku
fadhida oo ay xukuumadaydu doonayso inay wax kaga qabato qabyada iyo
goldoloolada Garsoorka iyo caddaalada.
Mudanayaal iyo marwooyin, bahdii garsoorka iyo caddaalada cidi uma
maqna, oo waa dhan tihiin. Waxa fadhiya Guddiyada Shuruucda ee
Baarlamanka, Garsoorayaashii Maxakamadaha Gobolada iyo Degmooyinka,
Garsoorayaashii Maxakadaha Rafcaanka, Maxakamadii Sare iyo Xeer
Ilaalintii Gobolada dalka, aqoonyahanadii jaamacadaha ee sharciga,
qareenadii, ururadii xuquuqal insaanka, culimaa’u-diinka, Booliiskii,
Asluubtii, hoggaan dhaqameedkii, haya’daha wadaniga ah iyo kuwa
caalamiga ah ee la shaqeeya.
Shirkan waxa hortaala su’aal culus oo ah inaad deristaan meelaha ay
garsoorka iyo cadaalada dalku ka qaloocanyihiin, kana talisaan sidii
loo toosin lahaa loona heli lahaa xal rasmi ah oo lagaga bogsa do.
Haddii ay noqon lahayd dhismaha haya’daha garsoorka iyo caddalada,
haddii ay tahay qabyada ka jirta xeerarka, dhaqanka garsoorka iyo
maxakamadaha, qiimaynta garsoorka iyo garsooraha, iyo nolosha
xabsiyada.
Waxa muhiim ah in la helo nidaam hurumarsan oo lagula xisaabtamo
adeegayaasha sharciga sida: garsoorayaasha, xeerilaalinta, Booliiska,
Asluubta, nootaayooyinka iyo cid kasta oo hawshaa bulshada u haysa.
Nidaamkaasi waa inuu si cad u tilmaamaa ilaalinta, hufnaanta iyo
anshaxa adeegaha sharciga iyo abaal marinta iyo ciqaabta uu
mutaysanayo. Nidaamkaasina waa inuu yahay mid uu dadweynuhu kaalin
ku leeyahay.
ubadku waa xooggii ummada iyo hogaamiyayaashii mustaqbalka, sidaa
awgeed waxa loo baahan ya hay inuu kulankani ka baaraan dego
duruufahooda garsoor iyo hannaankii sharci ee daryeeli lahaa.
Mudanayaal iyo marwooyin, waxaynu doonaynaa inay Somaliland noqoto
qaran ay ka hanaqaado dawladnimo la mahadiyo oo raaca sharciga oo
cadaaladdu aasaas u tahay.
Si taa loo helo, waxaynu ognahay muhimadda uu Garsoorku u leeyahay
xaqiijinta himiladeenaas, si daa awgeed, waxa naga go’an in aanu
isbedel muuqda oo la taaban karo ku samayno xaalada ay maanta ku
sugan yihiin, annaga oo la kaashanayna aqoonta iyo talada bulshada.
Saaxiibada Somaliland ee beesha caalamka, dawladaha
deeq-bixiyayaasha iyo Haya’daha caalamiga ah ee naga caawiya hawlaha
la xidhiidha Garsoorka, cadaalada iyo nabadgalyada, waxaanu ka cods
anaynaa inay kaalmada ay ku bixinayaan hawlahan ku jiheeyaan meel
marinta tallada ka soo baxda qorshaha xukuumada ee lagu hagaajinayo
garsoorka iyo caddaalada Somaliland.
Guul ayaan idin rajaynayaa iyo in uu kulankani noqdo mid ay ka soo
baxaan talooyin wax ku ool ah j awaab u noqon kara su’aasha idin
hortaala.
Wasalaamu calaykum wa-raxmatullaahi wa-barakaatu.”
Dhinaca kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Wasiirka cadaalada ee
loo bedelay wasiirka hawlaha guud Md. Ismaaciil Muumin Aare iyo
Guddoomiyaha Maxkamada Sare Maxamed Ismaaciil xirsi (oom ane)
waxaanay ka warameen caqabadaha hortaagan garsoorka waxaanay xuseen
inay shirkan ka rajaynayaan inay ka soo baxdo qorshe hawleed lagu
dhaqo nidaamka garsoorka dalka.
Source:
Somaliland.Org
|