WAR-SAXAAFADEED
 



Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Xeer madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-2560/062014 ku dhaqan-gel iyey Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Muwaadiniinta.

XEER MADAXWEYNE
Qaybta 1aad

Xubinta 1aad

Mabaadii’da Guud

Qodobka 1aad
Eray Bixin

Muwaadin: Waxa looga jeedaa qofka ka isiran dadkii deganaa geyiga Somaliland 26-kii bishii 6-aad 1960-kii iyo wixii ka horeeyey iyo qofka sifo sharci ah lagu siiyey Jinsiyada Somaliland.

Wasiir: Waxaa looga jeedaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Madaxweyne: Waxaa looga jeedaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland.

Wasaaradda: Waxaa looga jeedaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Diiwaangelin: Waxaa looga jeedaa habka lagu uruurinayo xogta muwaadiniinta ee lagu gelinayo isla markaana lagu kaydinayo Diiwaanka Qaranka oo ay meel-marinayso Wasaaradda Arrimaha Guduhu.

Diiwaanka Qaranka: Waxaa looga jeedaa diiwaan lagu kaydiyo dhammaan magacyada muwaadiniinta la diiwaangeliyey.

Xog: Waxaa looga jeedaa macluumaadka laga qoro qofka ee ku xusan Qodobka 11aad ee Xeerkan.

Foomka Diiwaangelinta: Waxaa looga jeedaa waraaqda ku xusan Qodobka 11aad ee
Xeerkan ee lagu qorayo xogta muwaadinka.

Qodobka 2aad
Dhaqan-gelinta Diiwaanka Qaranka ee Muwaadiniinta

Waxa Xeer-nidaamiyahan lagu dhaqan-geliyey Diiwaanka Qaranka ee Muwaadiniinta kaas oo looga gol-leeyahay in:
A. Lagu diiwaan-geliyo muwaaddin kasta oo gaadhay da’da 16 jir.
B. Uu noqdo meel lagu kaydiyo isla markaana lagu xafido xogaha laga qoro muwaaddinka.

Qodobka 3aad
Lahaanshaha Diiwaanka

Diiwaanku waa hanti qaran, waxaana uga masuul ah Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Qodobka 4aad
Dadka Xaqqa U Leh in la Diiwaangeliyo

Waxaa xaq u leh in la diiwaangeliyo muwaadin kasta oo gaadhay da’da Lix iyo Toban jir.

Qodobka 5aad
Ansixinta Diiwaangelinta

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa u xilsaaran ansixinta Diiwaan-gelinta Muwaadiniinta ee goob kasta.

Qodobka 6aad
Ilaalinta Xogta la Diiwaangelinta
Waxaa reebban:
1. In xogta muwaadiniinta dalka laga saaro.
2. In aan daaha looga qaadin cid aan xeer awood u siin.
3. In wax laga beddelo hadaan ogolaanshiiyo laga helin cidda ka mas’uulka ah.

Qodobka 7aad
Daabacaadda iyo Xarunta Diiwaanka

1. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ka masuul ah habaynta, dhaqan-gelinta iyo daabacaadda diiwaanka muwaadiniinta.

2. Diiwaanka guud waxa lagu haynayaa Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxaana maamuli doona waax gaar ah oo uu madax ka yahay mas’uulka diiwaanka oo uu magacaabayo Wasiirka Arrimaha Guduhu.

Qodobka 8aad
Sugitaanka Muwaadinka

Sugitaanka muwaadinka waxaa loo raacaya sidan soo socota:

1. Qof kasta oo raba in uu is diiwaan-geliyo waxaa xajiinaya Caaqilka, waxaana ansixinaya Wakiilka Maxkamadda ee Goobta ka dib markuu sidaa ku dhaariyo Caaqilka.

2. Marka ay sugnaato Muwaadinnimada qofka is diiwaangelinaya, waxa mas’uulka Goobtu xogta muwaadinka gelinaya foomka rasmiga ah ee Diiwangelinta.

Qodobka 9aad
Foomka Diwaangelinta

Foomka diiwaan-gelinta ayaa sal-dhig u noqonaya diiwaan-gelinta Muwaadinka, iyada oo dhammaystiran ayuunbaa la gelin karaa diiwaanka.

Foomka Diiwaan-gelinta waxa lagu qorayaa xogaha hoos ku qoran ee muwaadinka:-

1. Magaca qofka oo afaran.
2. Taariikhda dhalashada iyo goobtiisa dhalashada.
3. Lab/dhedig midkuu yahay.
4. Sawirka qofka.
5. Lambarka taxanaha ah ee Warqadda Aqoonsiga.
6. Taariikhda uu dhacayo.
7. Deegaankiisa.
8. Tix-raaciisa Lambar.
9. Taariikhda la bixiyey.
10. Ciwaanka qofka.
11. Mihnadiisa.
12. Faraha ama Isha.
13. Sawirka wejiga ee qofka.
14. Saxeexa soo saaraha.
15. Saxeexa Muwaadinka.

Xubinta 2aad

Qodobka 10aad
Goobta Diiwaangelinta

Waxa la cayimayaa Goobo Diiwaangelineed, waxaana la dejinayaa nidaam lagu kala garto goobaha iyada oo la siinayo Degmo kasta tirsi lambar oo u gaar ah.

Qodobka 11aad
Hawl-galka Diiwaangelinta

Bilawga hawl-galka diiwaangelinta Muwaadiniinta waxa sal-dhig u ah qoddobadan soo socda oo ay waajib tahay in la dhammaystiro.

In loo raaco Diiwaangelinta heerarkan ama jaranjarooyinkan:

1. Marka diiwaan-gelinta la sammaynayo waa in la sugo Muwaadinnimada Qofka Somalilanderka ah.

2. Marka ay sugnaato Muwaadinnimada qofka is diiwaangelinayaa, waxa la gelinayaa xogtiisa form-ka rasmiga ah.

3. Waxa isla goobtaasi lagu siinaya qof kasta oo ay sugnaato muwaadinnimadiisu warqad aqoonsi oo ku-meel gaadh ah.

4. Qofkasta oo ku guuldaraysta in uu sugo Muwaadinnimadiisa waxa lagu war-gelinayaa in uu keeno qof la yaqaan oo Hanti ma-guurta ah ku leh Deegaanka/Dalka, oo caddeeya in uu yahay muwaadin Reer Somaliland ah, kuna dammiinto hantidiisa.

Qodobka 12aad
Nidaamka Diiwaangelinta Muwaadinka.

Maalin kasta inta aan la furin goobta diiwaangelinta waxaa mas’uuliyiinta Goobta ku waajib ah:-

1. In ay is-xaadiriyaan, islamarkaana ay saxeexaan qalabka diiwaangelinta iyagoo diiwaangelinaaya lambarka tixraaca Foom-ka Diiwaan-gelinta ee ay maalintaa ku shaqaynayaan.

2. Marka shaqo maalmeedka la soo gebagebeeyo waa in qoraal lagu cadeeyo tirada muwaaddiniinta la diiwaangeliyey maalintaa, isla markaana saxeexaan.

3. Inay diiwaan-geliyaan dhacdooyinkii ay la kulmeen.

Qodobka 13aad
Dhaqan-gelinta Diiwaangelinta

Iyada oo la adeegsanayo dhammaan hababka warbaahinta kala duwan ee ka jira dalka:

1. Waa in la daabaco, islamarkaana la baahiyo xilliga loo cayimay Diiwaan-gelinta iyo dhammaan wixii xog ah ee ay muwaaddiniintu u baahan yihiin in ay ogaadaan.

2. Waxaa waajib ah in la baro islamarkaana lagu wacyi geliyo muwaaddiniinta muhiimadda ay Diiwaangelintu leedahay.

Qodobka 14aad
Xilka iyo Waajibaadka Mas’uuliyiinta Diiwaangelinta

Xilka iyo waajibaadka mas’uuliyiinta Diiwaangelinta waxaa ka mid ah in:

1. Mas’uulka diiwaangalinta ee heer Degmo waxaa ku waajib ah in uu ka war bixiyo diiwaangelinta qabsoontay todobaad walba una gudbiyo Mas’uulkiisa heer Gobol xog faahfaahsan oo ku saabsan sida ay diiwaangelintu uga qabsoontay todobaadkii tagay Degmadiisa.

2. Mas’uulka heer Gobol ka dib marka uu soo uruuriyo warbixinta degmooyinka wuxuu u gudbinayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha warbixin dhamaystiran.

Qodobka 15aad
Habka Xafidaadda Qalabka Diiwaangelinta

1) Hawlmaalmeedka goobta diiwaangelinta waxaa la bilaabayaa 7:00 subaxnimo, waxaanay dhammaanaysaa 6:00 galabnimo.

2) Haddii dib-u-dhac ku yimaado saacada furitaanka ee goobta waa in lagu caddeeyo war bixinta sababta keentay dib u dhacaas.

3) Haddii dib-u-dhacu aanu garawshiiyo lahayn waa in masuulka diiwaangelinta ee degmadu talaabo ka qaadaa, sidaasina uu war bixinta ku guddbiyaa.

4) Marka ay dhammaato hawl-maalmeedka shaqo ee diiwaangalintu dhammaan qalabka diiwaangelinta waxaa lagu haynayaa Xafiisyada Diiwaangelinta.

Qaybta 2aad

Xubinta 1aad
Qodobka 16aad
Shaqaalaha Diiwaangelinta

Si loo dhaqan-geliyo Diiwaangelinta, waa in la shaqaaleeyaa shaqaale khibrad iyo xirfad u leh dhaqan-gelinta Diiwaangelinta iyada oo inta aan qofka la shaqaalaysiin ka hor la qeexo:
1. Shuruudaha iyo xirfadaha looga baahan yahay qofka loo qaadanaayo booska uu ka hawl gelayo.

2. Habka loo raacayo xulashada Shaqaalaha; iyo

3. Waajibaadyada shaqo ee qof kasta (boos kasta) uu ku lahaanayo geeddi-socodka hawsha Diiwaangelinta.

Qodobka 17aad
Shuruudaha Shaqaalaha ka Hawlgelaya Diiwaangelinta

Qofka loo qaadanayo Xafiisyada kala duwan ee sugidda Muwaadinnimo Waa:

1. In uu yahay Muwaadin reer Somaliland ah.
2. In aan da’diisu ka yaraan 25 jir.
3. In uu Maskax ahaan Caafimaad qabo.
4. In aanu xukun Maxkammadeed oo kama-dambays ahi ku dhicin.
5. In uu leeyahay aqoon heer-jaamacadeed ama wax-u-dhigma.
6. Waa in uu ku sifoobaa karti, daacadnimo iyo aaminaad, Bulshada dhexdeedana sumcad ku leeyahay.

Qodobka 18aad
Reebbanaan

Waxa reebban in ay hawsha Diiwaangelinta ka hawl galaan:

1. Qofka aanu xuskiisu dhamayn (waalan).
2. Maxaabiista Xukuman ama gar-sugayaasha ah.
3. Ajnabiga dalka gudihiisa ku sugan.
4. Qofka aan gaadhin da’da Lix iyo Toban sano.

Qodobka 19aad
Dhaarta Hawl-wadeenada Ka-hawl-gelaya Diiwaangelinta Muwaadinka
Xubnaha loo magacaabay goobaha diiwaangelinta degmada iyo gobolka waxa dhaarinaya guddoomiyaha Maxkamadda Degmada (dhaar fagaare), dhaartaas oo noqonaysa sidan:

“WAXA IGU WALAAHIYA OO IGU BILAAHIYA INAAN HAWSHA DIIWAAN GELINTA U GUDAN DOONO SI XILKASNIMO IYO DAACADNIMO LEH, SHARCIGA IYO CADAALADDANA AAN KU SHAQAYNAYO”
Xubinta 2aad
Qodobo kala Duwan
Qodobka 20aad
Habka Qoraalka Magacyada

Magaca muwaadinka waa in lagu qoro xuruuf la isku wada sar-gooyey; waana in aanay kala duwanaanin xuruufta iyo qoraalka ay mas’uuliyiintu u adeegsanayaan diiwaangalinta.

Qodobka 21aad
Saxitaanka Xogta Khaldanta

Saxitaanka xogta khaldan waxaa loo raacayaa sidan soo socota:
1. Qof kasta oo ogaada in xogta laga qoray ee diiwaanka lagu qoray ay wax ka qaldan yihiin, waa in uu qoraal ahaan ku war geliyaa mas’uulka diiwaangalinta xogta khaldan, isla markaana ku xusaa qoraalka sida saxda ah.

2. Mas’uulka la soo gaadhsiiyey xogta khaldantay waa inuu sida ugu dhakhsaha badan u sameeyo sixitaan, warbixintana u gudbiyo mas’uulka ka sareeya.

Qodobka 22aad
Bixinta Warqadda aqoonsiga

Muwaadin kasta oo is diiwaangeliyey wuxuu xaq u leeyahay in la siiyo warqadda aqoonsiga.

Qodobka 23aad
Reebbanaanta qaadashada Wax-ka-badan Hal Warqad Aqoonsi
1. Waxaa reebban in muwaadinku uu qaato wax ka badan hal warqad aqoonsi.

2. Waxaa reebban in lagu helo si khiyaamo ama been abuur ah ama lagu siiyo muwaadinka si ka baxsan Nidaamka Diiwaangelinta.

3. Qofkasta oo ku kaca falka ku xusan faqradda hore waxa lagu ciqaabi doonaa sida uu tilmaamaayo Xeerka Ciqaabtu, Hay’ad kasta oo awood u lehna waxa uu xil ka saaran yahay inay talaabo sharci ka qaado.

4. Qof kasta oo si badheedh ah u siiya mas’uulka diiwaan-gelinaya xog qaldan, waxa uu mutaysanayaa in lagu Ciqaab mariyo sida uu dhigayo Xeerka Ciqaabtu.

 


Axmed Saleebaan Dhuxul
Afhayeenka madaxtooyadda