Madaxweynaha Somaliland oo Cawa Qasriga Madaxt ooyada Ku Qaabilay Wefdi oo Ka Socda Barlamanka Kenya

 


Tuesday, 22 December 2009 Hargeysa (Timacade News)-Madaxweynaha  Jamhuuriy adda Somaliland, Mudane, Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu caawa kulan kula yeeshay Qasriga Madaxtooyada wefdi balaadhan oo ka socda Golaha Baarlamaanka ee dalka Kenya.

Wefdigaasi oo uu hogaaminayo, Mudane, Faarax Macalin, oo ah Gudoomiye ku  xigeen ka Golaha Baarlamaanka ee dalka Kenya, waxa ay booqasho dhawr maalmood ah ku yimaadeen Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu marka hore wefdiga uga waramay taariikhdii  so oyaalka ahayd ee Somaliland tan iyo markii ay is raaceen wadankii la isku odhan jiray Somalia iyo markii ay qaranimadeeda kala soo noqotay dalkaasi.

Madaxweynuhu , waxa kale oo uu wefdiga ugu mahad naqay socdaalka ay ku  yimaa deen Somaliland,iyagoo inta ay dalka joogaan indhahooda ku soo arki doona  horum arka ay ku tallaabsatay Somaliland, gaar ahaan dhinaca Nabad gelyada, Xasiloonida, Geedi socodka dimquraadiyada iyo arrimaha kale ee ku saabsan horumarka dalka.

Madaxweynuhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Waxa ayaan darro ah, iy ada oo arrimahaasi ay Somaliland qabsatay in caalamka, gaar ahaan wadamada  Af rika ay dhagaha ka furaysteen aqoonsiga Somaliland iyo taageerada ay u baahan tahay , mudnaantana had iyo jeer la siiyo meesha dagaalka iyo qalalaasuhu ka socdo oo ah walaalahayaga Soomaaliya”.

Madaxweynuhu , waxa kale oo uu carabka ku dhuftay in ay lagama maarmaan tahay in wadamada Afrika ay albaabadoodu isku furnaadaan, gaar ahaan dhinaca  Isgaad hsiinta iyo Ganacsiga, taasi oo wax weyn ka tari doonta in Afrika marka hore ay  iya du is tix gelis isna barato.

Hogaamiyaha Wefdiga, Mudane, Faarax Macalin, waxa uu Madaxweynaha, Xukuum a da iyo shacbiga Somalilandba ugu mahad naqay soo dhaweyntii fiicnayd ee isaga iyo wefdigiisu ay kala kulmeen mudadii gaabnayd ee ay Somaliland joogeen , isagoo  tiba axay in indhahoodana ay ku soo arki doonaan meelo badan oo Somaliland ka mid ah inta ay dalka ku sugan yihiin.

Gabo gabadiina, waxa uu Mudane Faarax cadeeyay in socdaalkoodani uu noqon  doo no mid sii xoojiya xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Kenya, isagoo aan noqon doonin kii ugu danbeeyay ee ay dalka Somaliland ku yimaadaan.


Allaa Mahad leh,


Siciid Cadaani Mooge
Af-hayeenka Madaxtooyada Somaliland