Madax weynaha Somaliland iyo Wefdigii uu Hogaa minayay oo Shalay Booqday Aqalka Wakiilada UK

 

Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo Wefdigii uu hogaaminayay ee socdaalka shaqo ku joogay dalka UK, ayaa shalay booqday Aqalka Wakiilada ee dalkaasi.

Waxa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha iyo Wefdigiisa All-Party Parliamentary Group for Somaliland, oo uu horkacaayay Mudane xildhibaan Alun Michael, oo isagu gudoomiye u ah xubnahani ka kooban dhamaan xisbiyada dalkani ee qaabilay waftiga Madaxweynaha

Xildhibaan Alun Michael oo kulankii shalay furay ayaa aqalka wakiilada ku soo dhaweeyay Madaxweynaha iyo Weftigiisa oo uu magaalada London kaga biiray gudoomiyaha golaha wakiilada ee Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro oo isagu baryahanba booqasho ku marayay dalal ka mid ah Yurub.

Madaxweynaha ayaa ka mahad celiyay sidii loo soo dhaweeyay iyada oo uu mahad naq gaar ah uu u soo jeediyay xildhibaanada golaha wakiilada ee Ingriiska ee sida hagar La’aanta ah u garab istaagay shacabka iyo Qaranimada Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu ka hadlay xaalada guud ee dalka iyo wixii qabsoomay, waxa aanu kula dar daarmay baarlamaanka Ingriiska oo uu ka codsaday in ay wada shaqayn buuxda la yeeshaan Golaha wakiilada ee Somaliland, waxa aanu ka codsaday in gudoomiyaha golaha wakiilada ee Somaliland ay kala shaqeeyaan dhamaan qodobadii ay ka wada hadleen isaga iyo Baarlamaanka Ingriisku , isla markaasna la joogteeyo xidhiidhada, taasi oo la isla qaatay arinkaasi.

Xubnaha wakiilada ee Ingriisku waxa ay mahad naq balaadhan u soo jeediyeen madaxweynaha iyo gudoomiyaha wakiilada iyo dhamaan shicibka Somaliland iyaga oo ugu hambalyeeyay waxii ay qabsadeen, iyaga oo sheegay in ay wada shaqaynta ay hore ula wadeen ay sii laban laabi doonaan oo ay is garab taagayaan shicibka Somaliland, markastana ay yihiin saxiibo joogto ah.


Wefdiga Madaxweynaha ee booqday aqalka wakiilada ee Britain waxa Madaxweyne Rayaale ku wahelinayay Gudoomiyaha Golaha wakiilada Mudane C/raxmaan Cirro, Wasiirka Arimaha dibada ee Somaliland Mudane Cabdillaahi Maxamed Ducaale, Ambasadoor Dr Mohamed Aar, Safiirka Somaliland u fadhiya Ireland Mudane Cabdifataax Siciid Axmed iyo ku xigeenka safiirka Somaliland ee UK mudane Daahir Tukaale iyo aqoonyahan Dr C/laahi Guuleed Axmed.



Alla Mahad leh



Axmed Maxamed Ciise

Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha