Madaxweynaha Somaliland Oo Ambassador Mahiga Ku Gacan Saydhay Qorshe uu watay

 


Hargeysa (TNN)- Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Somaliland iyo Somali ya Amgassador Augustine Philip Mahiga, ayaa ku guuldaraystay qorshe diblomaasiyadeed oo uu ula  yi mid Xukuumadda Somaliland, kaas oo ku saabsan inay ka qayb gasho shir dib u heshiisiineed oo dawlad loogu dhisayo dalka Somaliya. Ma jiro war rasmi ah oo labada dhinac ku saabsan oo arrintan lagaga  hadl ay, laakiin ilo xogogaala ayaa Wargeyska Geeska Afrika u xaqiijiyay in Ambassador Mahiga, uu arrintan ku soo bandhigay kulan uu khamiistii la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed  Maxa mud iyo xubno wasiiro ah, ka dib markii uu booqasho laba maalmood qaadatay ku yimid magaalada  Harg eysa. Ilahaas xogogaalka ahi waxa ay xaqiijiyeen in ergaygu uu xukuumadda Somaliland ka codsaday inay ka qayb gasho shir horaanta bisha April ee soo socota lagu qabanayo magaalada Nayrobi ee dalka Kenya, kaas oo ah shir dib u heshiisiineed oo lagu qorshaynayo in dawlad loogu dhiso Somaliya, maadaa ma oo uu xilli dhammaadka dawladda Sheekh Shariif ku eegyahay bisha August ee sannadkan.


Waxaanu sheegay in shirkaas ay ka goob joog ka noqonayaan dalal badan oo ay ka mid yihiin Djibouti iyo Itoobiya, isagoo xusay inay ka qayb geli doonaan dhammaan kooxaha Somaliya ku hirdamaya. Hase yee she Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa ergayga ku gacan saydhay qorsha ha uu watay, isagoo si cad ugu sheegay inaanay Somaliland marnaba ka qayb gelayn shirkaas Nayrobi iyo mid kalen toona oo dawlad loogu dhisayo Somaliya. Sida uu Geeska Afrika xogtan ku helay  madaxwe ynuhu wuxuu sheegay inay umadda Somaliland goaansatay inay noqoto dal ka madaxbanaan wixii la isku odhan jiray Somaliya, sidaas daraadeedna aanay suurtogal ahayn inay shirar dib u heshiisiineed oo  Som aliya ah ka qayb gasho. Waxase uu Madaxweynuhu ergayga u sheegay inay Somaliland taageersantaha y in xal loo helo mushkiladda Somaliya islamarkaana ay diyaar u yihiin inay tallo iyo tusaale ku biiriyaan.


Sida uu warku sheegay waxa isna halkaas ka hadlay Wasiirka Arrimaha dibadda Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, oo ergayga u sheegay inay Somaliland madaxbanaanideeda la soo noqotay labaatan sannadood ka hor, mudadaasna aanay ka qayb gelin shirarka Somaliya loo qabto, imikana aanay sinaba uga qayb ge li doonin, waxaanu sida warku sheegay uu ergaygu qaatay goaankii xukuumadda Somaliland ee la xidhiid hay shirka uu abaabulayo, lamana sheegin wax dood ah oo uu ka galay jawaabta ay xukuumadda ka bixisay qorshihiisa.

Ambassador Augustine Mahiga, ayaa dedaal ugu jira inuu ka dhabeeyo hirgelinta shirka uu u qabanayo kooxaha Somaliya, waxaanu guclo iyo orod ugu jiraa inuu shirkaasi guulaysto, maadaama oo uu shirkaasi yahay kii u horeeyay ee intii uu xilkan hayay uu qabto, waxase dhirbaaxadii u horaysay uu kala kulmay Somaliland, isagoo hore dhawr meelood uga sheegay inay Somaliland ka qayb geli doonto shirarka  kooxa ha Somaliya. Hase yeeshe, warar kale ayaa sheegay inay shirkaas ka qayb geli doonaan maamulada  Pun tland, Dawladda Sheekh Shariif, Ehlu Sunna Waljamaaca, Galmud State.



Source: Wargeysak Geeska Afrika