Madaxweynaha
Somaliland iyo Wefdi uu Hog aaminayo oo Socdaal ugu kicitimay Dalka
Kuwayt

Madaxweynaha Jamhuuriyada
Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaah in, waxa uu maanta booqasho
gaar ah ugu kicitimay dalka Kuwait.
Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo booqashada ugu amba
baxay dalka Kuwait la filayo in ay qaadato muddo dhawr maalmo od ah,
waxa uu ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Berb era,
isaga oo sii raacay diyaarad khaas ah oo si toos ah u gaynaysa Da
lka Kuwait.
Madaxweynuhu inta uu joogo dalka Kuwait waxa la filayaa in uu kulamo
kala duwan la yeelan doono Madax ka tirsan Boqortooyada Kuwait oo ay
ka wada hadli doonaan Iskaashiga iyo wax wada qabsi dhinacyo bad an
ah oo ay ka mid tahay dhinacyada Dhaqaalaha iyo Nabad gelyada.
Wefdiga Madaxweynaha ee Maanta u amba baxay dalka Kuwayt waxa kale
oo ka mid ahaa Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Mudane Xas an
Ibraahim Warsame iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Mudane
Axmed Maxamed Ciise.
Alla Mahad leh
Siciid Cadaani Mooge
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL
|