Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigiisii oo dalka dib
ugu soo laabtay

Hargeysa , July 10th, 2011 (TNN)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed
Maxamed Maxamuud (S iilaanyo) ayaa galabta dalka dib ugu soo laabtay
ka dib markii uu socdaal shaqo ku tagay dalka cus ub ee koonfurta
Suudaan oo uu ka qeyb galay xafladii wanqalka ee shalay loo sameeyay
dabaal dega wadankaasi.
Madaxweynaha Somaliland markii uu ka soo degay madaarka Hargeysa
Saxaafada ugu waramay ay waxa uu yidhi “ILAHAY ayaa mahad leh
waxaanu ka soo qayb galay dabaal degii mada-baanida wadanka cusub ee
Koonfurta Sudan, si wanaagsan ayaa naloo soo dhaweeyey si wanaagsana
wa anu ugu qayb galnay, maadaama ay Saxafiyiin nala socdeena wixii
warar iyo tafaasiil ah waxaan u dhaafayaa iyaga.”
Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo la weydiiyay waxa ay ka baran karaan
qaranimada koonfurta S uudaan waxaanu yidhi “Casharka laga baran
karaa ummdii waxa weeye in ummadu isku xidhnaato oo ay meel ka soo
wada jeedsato oo ay himiladooda iyo rabitaankoodaba ka dhabeeyaan
markaas waxa la inooga baahan yahay dadaal badan.”
Madaxweynuhu waxa uu sheegay inay dalka koonfurta Suudaan kula
kulmeen soo dhawayn wana agsan waxaanu yidhi “Waxaan la kulmay
Masuuliyiin badan, dabcan madaxdu waxa ay u yimaadee n
munaasibadaasi, laakiin waxanu ka helnay soo dhaweyn balaadhan.”
Weftiga Madaxweynaha waxa xubno ka ahaa Wasiirrada Arrimaha dibada,
Madaxtooyada, Macda nta iyo biyaha, beeraha iyo 15 Suxufi oo ka kala
socday qeybaha kala duwan ee warbaahinta da lka.
Source:Somaliland.org
|