Madaxweynaha Somaliland iyo Wefdigiisii Si Balaadhan Loogu Soo Dhaweeyay Magaaladda Hargeysa

 


Hargeysa (TNN)-Madaxweynaha Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo wefdigiisii ayaa saaka abaaro 9-kii subaxnimo ee maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Ci gaal International ee Magaaladda Hargeysa.

Madaxweynaha oo saaka si weyn loogu soo dhaweeyay Magaaladda Hargeysa, waxa soo dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenka JSL, Mudane, Axmed Yuusuf Yaasiin, Wasiiro, Xildh ibaano labada gole (Guurtida iyo Wakiiladda) iyo dadweyne aad u tiro badan oo taagnaa Madaarka ilaa guriga Madaxtooyada Somaliland , kuwaasi oo sacab iyo caleemo qoyan ku soo dhaweeyay Madaxweynahooga Somaliland.


Dadweynaha reer Hargeysa, ayaa u kala hadhay soo dhawaynta Madaxweynaha iyo  wef digiisii , waxayna ay si hore aan loo arag ugu soo dhaweeyeen Madaxweynaha iyo wefdig iisii.



Source:SN