Madaxweynaha Somaliland iyo Wefdi Balaadhan oo uu hogaaminayo oo u Socdaalay Dalka Jabuuti



Hargeysa (TNN)-Madaxweynaha JSL, Mudane, Daahir Rayaale Kaahin, iyo wefdi  balaad han oo uu hogaaminayay, ayaa saaka u duulay Magaalada Jabuuti ee Jamhuuriyadda Jabuuti, iyagoo u sii dhaafi doona dalalka Ethiopia iyo Faransiiska, isagoo sheegay intii aanu madaarka ka dhoofin in uu u tagayo dalalkaasi hawlo shaqo.

Wefdiga Madaxweynaha waxa kale oo ka mid ahaa Marwada Koowaad ee  Madaxweyn aha, Marwo Huda Barkhad Aadan, Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Mudane Cali Sa ndulle, Maareeyaha Dekedda Berbera, Eng Cali Xoor-xoor iyo Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha, Mudane Axmed Maxamed Ciise.

Waxa Madaarka ku sii sagootiyay wefdiga Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka JSL, Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, Wasiiro, Xildhibaano iyo dadweyne kale.


Source:sn