Madaxweynaha Somaliland iyo Wefdigiisii oo  soo kormeeray Degmooyinka Xagal iyo Laas Ciidle

 

 

Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo Wefdigii uu hogaamina yay oo muddo dhawr maalmood ah ku negaa gobolka Saaxil, si ay u soo korme eraan xaaladaha ay ku sugan yihiin degmooyinka kala duwan ee gobolka, waxa Maanta ay booqdeen Degmooyin ay ka mid yihiin Xagal iyo Degmada Laas-ciidle.

Madaxweynaha iyo Wefdigiisa waxa degmooyinkaasi si diiran ugu soo dhawee yay dadweyne aad u tiro badan oo degmooyinkaasi ku nool, kuwaasi oo isugu jira Madax dhaqameedyo, Culimo, Dhalinyaro iyo Haween, iyaga oo  wajiyado oda ay ka muuqatay farxad iyo rayn rayn ay si weyn ugu diirsadeen Booqash ada Madaxweynuhu uu ku tegay degmooyinkooda.

Maamulada degmooyinkaasi iyo Madax dhaqameedyada oo ay ka mid yihiin Cuqaasha iyo Culimada iyo Waxgaradka degmooyinkaasba , waxa ay Madaxweynaha uga warameen xaaladaha kala duwan ee ay dadweynaha halkaasi ku nooli ku sugan yihiin iyo baahiyahooda la xidhiidha dhinacyo badan oo ay ugu weyn yihiin Waxbarashada, Caafimaadka, adeegyada Biyaha iyo Nabad gelyada.Waxana Madaxweynaha iyo wefdigiisa ay ka codsadeen intii ay awoodi karaan in baahiyahoodaasi ay sida ugu dhakhsaha badan uga caawiyaan.

Madaxweynaha oo hadal kooban u jeediyay dadweynihii isugu soo baxay fagaarayaasha lagu soo dhaweeyay Madaxweynaha iyo Wefdigiisa markii ay soo booqdeen degmooyinkaasi, waxa marka hore uu si weyn ugu mahad naqay soo dhawaynta fiican ee ay kala kulmeen degmooyinkaasi, iyaga oo dadweynuhu cadceeda taagnaayeen muddo badan.

Waxa kale oo Madaxweynuhu uu ka codsaday Maamulada degmooyinkaasi in baahiyaha deg dega ah ee dadweynaha halkaasi ku nool ee ku saabsan daryeelka Bulshada in ay sida ugu dhakhsaha badan ugu soo gudbiyaan Wasaaradaha ay khuseeyaan oo uu ku amray in ay sida ugu dhakhsaha badan uga hawl galaan.

Ugu danbayntii, waxa uu Madaxweynuhu ugu duceeyay dadweynaha degmooyinkaasi in ilaahay uu ka dul qaado abaaraha, roob khayr qabana uu siiyo.

Wefdiga Madaxweynaha ee kormeerka hawleed ku soo maray degmooyinkaasi waxa kale oo ka mid ahaa Wasiirada Arrimaha Gudaha, Xanaanada Xoolaha, Taliyaha Ciidanka Qaranka, Wasiir ku xigeenka Qorshaynta Qaranka iyo Madaxda Gobolka Saaxil.

Alla Mahad leh
Siciid Cadaani Mooge
Afhayeenka Madaxtooyada JSL