Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo  oo Hamba lyeeyay Madaxweynaha la doortay MUSE Biixi Cabdi

 



Hargaysa (TNN) :-Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Silanyo, isagoo ku hadlaya m agaciisa, ka Xukuumadiisa iyo magaca ummadda Somaliland wuxuu Hambalyo iyo bogaadinba u dirayaa Madaxweynaha Cusub ee la doortay Mudane Muse Biixi Cabdi iyo ku xigeenkiisa Mud ane Cabdiraxman Cabdillaahi Saylici.

Madaxweynuhu wuxuu Murashaxiinta Xisbiga Kulmiye ee ku Guulaystay tartankii Doorashada Madaxtooyada ALLAH uga baryayaa inuu ku asturo xilkaa iyo Masuuliyadaa culus ee ay ummadda u qaadeen. Madaxweynuhu wuxuu Madaxweynaha la doortay kula dar-daarmay inuu ummadda JSL mideeyo isla markaana uu si cadaalad ah ugu xaq-sooro. Ha ogsoonaado inuu Madaxweyne u yahay kuwii isaga u codeeyey, kuwii aan u codaynin iyo kuwii ka aamusayba.

Sidoo kale, Madaxweynuhu wuxuu hambalyo, ammaan iyo ducoba u diray labada Xisbi Qaran ee UCID iyo WADDANI iyo taageerayaashooda sidii quruxda badnayd ee ay uga qayb qaateen tartankii Doorashada Madaxtooyada.

Madaxweynaha JSL waxa kale oo uu Masuuliyiinta labada Xisbi Ee UCID iyo WADDANI ku boga adiyey bisaylka siyaasiga ah iyo masuulnimada ay muujiyeen taasoo ay ku aqbaleen kuna qan ceen natiijadii ay Komishanka Doorashooyinka Qaranku ka soo saareen Tartankii Doorashada Madaxtooyada ee Dalkeena ka qabsoontay 13.11.2017.
 

 

 


ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.