WAR-SAXAAFADEED
 



Date: -01/ 10/2013


Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed

Maxamuud (Silaanyo) waxa uu xeer Madaxweyne oo sumadiisu tahay

JSL/M/XERM/249-2096/102013uudegmo ugu magacaabay Awr-boogays oo ka tirsan Gobolka Sanaag.



Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 109aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somalilan d.

Markuu Arkay: Qodobka 10aad ee Xeerka Gobollada iyo Degmooyinka oo tilmaamaya wax -ka-bedelidda Qaab-dhismeedka Dalka.

Markuu Tix-geliyey: Codsiyada ka yimid Madax-dhaqameedyada Waxgaradka, Culimada iyo Odayaasha Deegaanka.

Markuu Tix-geliyey: Baahida loo qabo in Degmada Awr-boogays loo magacaabo Degmo cusub.

Markuu Dhegeystay:Soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha;

Wuxuu go’aansaday

In uu Awr-boogays u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Sanaag.
 

 


ALLAA MAHAD LEH

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.