Madaxweyne Siilanyo oo kulan la yeeshay Safiir ku-gigeenka  Ingiriiska ee Itoobiya

 


Hargeysa (TNN): – Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa maanta kulan la yeeshay safiir ku xigeenka cusub ee dawlada Ingiriisku u soo magacawaday dalka Itoobiya Cat Evans, taas oo bedeshay safiir ku xigeenkii ka horeeyay Mr. Chris Allan.

Kulan oo ka qabsoomay xarunta Madaxtooyada waxa Madaxweynaha ku wehelinayay Wasii rada Madaxtooyada Xirsi Cali X. Xasan , arrimaha guddaha Cali Maxamed Warancadde iyo W asiir ku xigeenka arrimaha dibada Mawliid Maxamuud Ibraahim

Wasiir ku xigeenka Arrimaha dibadda Somaliland Mawliid Maxamuud Ibraahim ayaa sheegay in safiir ku xigeenka Ingiriiska u fadhiya Itoobiya ay booqashadeedii u horaysay ay ku timid d alka, waxaanu yidhi “Maanta (shalay) Madaxweynuhu wuxuu qaabilay gabadhan safiir ku xig eenka ka ah safaarada uu Ingiriisku ku leeyahay dalka Itoobiya, gabadhani waa markii u horaysay ee ay soo booqato Somaliland magaceegana waxa la yidhaahdaa Cat Evans waxay u timi dalka inay booqashadeedii u horaysay ay Somaliland ku timaado, todobaadkii hore aya y Addis-Ababa timid, dabadeedna Somaliland bay ku timid safarkeedii u horeeyay.

Madaxweynaha waxay ka wada hadleen sidii xidhiidhka labada dal iyo waxyaabaha kale ee dawlada Ingiriisku inaga caawiso, sida doorashooyinka, wadahadalada Somaliland, Somaaliya iyo waxyaabo badan oo dawlada Ingiriisku inaga caawiso, safarkanina wuxuu ahaa mid is bar asho oo ay baranaysay Madaxweynaha markaa safarku sidaasu ahaa.”


Safiir xigeenka Ingiriiska ee Itoobiya Cat Evans, ayaa dhinaceeda sheegtay inay Madaxwey naha la yeelatay wada hadal midho dhal ah oo ku taxa luqa xidhiidhka labada dal, waxaanay tidhi “Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay inaan ku iimaado Somaliland booqashadaydii ugu horaysay, wayna I xiiso gelinaysaa, waxaanay dhiirigalinaysaa Iskaashiga laba geesoodka a h ee cajiibka ah ee aan Somaliland la leenahay, iyo sidoo kale taariikhda dheer ee inaga dhax aysa. Waxaan Madaxweynaha wada yeelanay wada hadal midho dhal, waxaanan rajaynayaa inuu sii socdo wada xaajoodku.” ayay tidhi Cat Evans.

Source: Somaliland.Org