Madaxweynaha S/land oo la kulmay Wakiilka AU-da u qabilsan S/Land Iyo Somalia

 


Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu caawa qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wefdi uu hogaaminayo Wakiilka Ururka AU-da u qaabilsan Arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya.

Mudane Nicolas Bwakira oo booqasho gaaban ku yimid Somaliland, hadal kooban oo uu ka jeediyay kulankii uu Madaxweynaha la yeeshay waxa uu ka waramay isbedelka weyn ee Somaliland ay ku tallaabsatay, isaga oo 1993-kii Somaliland yimid, isla markaana u shaqaynayay Laan Qaramada Midoobay ka tirsan, waxana uu sheegay markii uu ka soo degay dhabaha dayuuradaha ee Magaalada Hargeysa in uu aad ula yaabay isbedelka weyn ee horumarka ah iyo dhismaha Magaalada oo dhinac kasta ah uu magaalada ku arkay.

Mr Nicolas waxa kale oo uu aad ugu riyaaqay Nabad gelyada iyo xasiloonida ka muuqata Somaliland , isaga oo is bar bar dhigay marka uu Muqdisho tago in lagu daadaheeyo , laguna ilaaliyo gaawaadhida gaashaaman ee ciidamada, isaga oo ka waramaya ujeedada socdaalkiisa mr Nicolas waxa uu yidhi “waxa lagama maarmaan ah in aan anigu indhahayga ku soo arko Somaliland waxa ay qabsatay iyo xaaladaha ka jira , siiba dhinaca dimuqraadiyada intii cid kale iiga warami lahayd, taas oo aan gaadhsiin doono Ururka AU-da iyo
madaxda Africa ee aan la kulmi doono”.

Madaxweynuhu oo isna halkaasi hadal ka jeediyay kulankaasi uu la yeeshay wefdiga waxa uu sheegay in Somaliland waxyaabaha ay qabsatay tan iyo intii gooni isu taageeda kala soo noqotay wadankii la isku odhan jiray Soomaaliya 1991-kii.

Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa kale oo uu carabka ku dhuftay in
adduunyadu inteeda kale , haddii ay noqoto Africa, Carabta iyo Yuruba ay si cadaalad darro ah ula macaamileen Somaliland, iyaga oo aan tix gelin waxyaabaha ay qabsatay dhinaca Dimuqraadiyada , gaar ahaan doorashooyinkii xorta iyo xalaasha ahaa ee dalka ka dhacay, kuwaasi oo aan in badan dalalka Africa aan ka hir gelin.

Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa kale oo uu sheegay in codsiyo badan uu u jeediyay dalal badan oo dunida ah markii uu socdaalada ku tegay , isaga oo la kulmay Madaxweynayaal badan oo Africa ah iyo kuwo kale oo caalami ahba.

Waxa uu Madaxweynuhu tibaaxay in dunidu ay aad u tix geliso dalkii
Soomaaliya oo ay maanta ka taagan tahay dil , budhcad badeed , Qax iyo guul darooyin aan la soo koobi Karin.

Waxa kale oo kulankaasi uu Madaxweynuhu la yeeshay Wakiilka AU u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya goob joog ka ahaa Wasiirul dawlaha Arrimaha Somaliland Mudane Siciid Maxamed Nuur iyo Dr Maxamed W. Ducaale oo ah La Taliyaha AU-da ee Arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya.
 

 


Alla Mahad leh


Siciid Cadaani Mooge
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL