Madaxweynaha Siilaanyo oo soo Af-jaray Khilaafkii u dhaxeeyay
Wasiirka Maaliyadda iyo Wasiirka Kalluumaysiga

Hargeysa (TNN) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud
Siilaanyo ayaa soo Af-jaray K hilaaf u dhaxeeyay Wasiiradda
Maaliyadda iyo Kalluumaysiga, isagoo shalay u kala diray Digreeto uu
ku cadeeyay Dhaqan gelinta Go’aamadii ay ka soo saareen Guddi ka
kooban shan xubnood oo uu u m agacaabay inay xal ka gaadhaan
Khilaafkaasi oo ku dhex maray labada Wasiir ee Wasaaraddahaasi
Khidmadaha ay Dekeddu ka qaado Badeecadaha laga soo dajiyo.
Gudida uu Siilaanyo magacaabay oo ka koobnaa shan wasiir oo kala ah
Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Kalluumaysiga iyo Dekeddaha, Wasiirka
Gashaandhiga, Wasiirka Ganacsiga iyo Wasiirka Duulitsa iyo H awada
ayaa waxay soo saareen Go’aamo ay ka mid yihiin in Dekadduhu u
Madax-banaanaadaan Khid maha ay qaadaan si waafaqsan kuwa Caalamka
iyo in Wasaaradda Maaliyaddu ay ku leedahay lix cas huurood oo
kala ah:- Income Tax, Harbour Tax, Manifes Fee, Navigation Fee, Port
dues, Interest Fee.
Hadaba Madaxweynaha Somaliland isagoo ka Duulaya labadaas qoddob ee
ay soo go’aamiyeen ayaa waxa uu u qoray labada Dhinac iyo Maamulka
Dekedda Wareegto uu ku Dhaqan galinayo arrintaasi w axaanay
Wareegtadaasi u dhignayd Sidan
“Anigoo ka Duullaya Go’aankii
Guddida aan u saaray xallin ta khilaafkii u dhaxeeyay
Wasaaraddda M aaliyadda iyo Wasaaradda Kalluumaysiga iyo
Dekedaha, waxa an go’aamiyay in la dhaqan galiyo Hes hiiskii
ay soo gaadheen Guddidu oo ah labadan Qoddob:-
1. Dekeddaha Somaliland waxay ugu Madax-banaan yihiin khidmadaha soo
gala si waafaqsan sida kuwa Caalamka
2. Wasaaradda Maaliyaddu waxay Dekedda ku yeelanaysaa:-
a). Income Tax
b) Harbour Tax
c) Manifes Fee
d) Navigation Fee
e) Port dues
f) Interest Fee.”
Wareegtadaasi ayaa soo Af-jaraysa khilaaf balaadhan oo labada Wasiir
ka dhex Aloosnayd tan iyo intay Xilka la wareegeen, waxaana
mudadaasi ay isdhaafsadeen qoraalo Hanjabaad ah oo ay Saxaafaddu soo
Bandhigtay, taasoo wer-wer galisay dad badan oo filayay
Masuuliyiinta cusub ee Xukuumaddu inaanay yeelan doonin Nidaam
caynkaas oo kale ah.
|