Madaxweynaha Siilaanyo Oo Caaw Qasriga Madaxtooyada Ku Guddoonsiiyay Abaal Marino kaladuwan Ardaydii Ku Guulaysatay Tartankii Qur’aanka Kariimka Ah.
 

 

Ardeygii galey kaalinta koowaad waxa la gudoonsiyey Gaadhi nooca loo yaqaan Indha-cadaha oo ah Numberkii ugu danbeeyey iyo sidoo kale Lacag iyo Kutub, ardeygii 2aadna la gudooon siyey Laptop iyo $1,000 iyo hadyado kala duwan oo ay k amidyihiin saacado...........

Hargeysa (TNN):- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Sila anyo ayaa galabta waxa uu qasriga madaxtooyada ku qaabilay Ardadyii Tartanka Qur’aanka Kariimk a ku guulaysatay Kaalmaha hore ee Koowaad, Labaad, Saddexaad iyo Afraad.


Kulankan oo ahaa mid aan noociisa hore uga dhicin sida ay sheegeen Culimadu waxa uu ahaa mid xaga madaxweynaha ka yimid markii uu u fidiyey Ardaydaa qaaliga ah ee Xiftisan quraanka kariimka ah iyo Culimadii soo qaban qaabisay iyo weliba macalimiintii qiimaha mudnaa ee ardaydaasi xiftisiiyey Qur’aan.

Ardayga ku guulaystay kaalinta koowaad oo la yidhaahdo Cabdirisaaq Cabdilaahi Maxamed kana soc day Gobolka Sool waxa la gudoonsiyey Gaadhi nooca loo yaqaan Indha-cadaha oo ah Numberkii ugu danbeeyey iyo sidoo kale Lacag iyo Kutub.

Waxa kaalinta labaad ku guulaystay Mahad Cali Xuseen oo ka socday Gobolka Maroodi-jeex ee Har geysa. Oo la gudooon siyey Laptop iyo $1,000 iyo hadyado kala duwan oo ay k amidyihiin saacado Waxa sidoo kale kaalinta Saddexaad ku guulaystay Cabdishaakir Maxamed Axmed oo ka socday De gmada Wajaale waxaanu ku guulaystay Abaal marin ah $800 iyoMobile Samsung Galaxy 3 ah iyo Ha dyado kala duwan.

Halka kaalinta Afraad uu ku guulaystay Cabdishakuur Axmed Maxamed oo ka socday Gobolka Tog-dheer ee Burco waxa uu isna ku Kitaab Tafiil ah $500, Saacad iyo hadyado kala duwan oo kale.

 

 


Timacade News Desk
Hargeysa ,Somaliland