Madaxweynaha
oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Wefdi Ka Socday Dalka Ruushka
Hargeysa Isniin , 22 March 2010 (TNN)- WarsaxaSample Imageafadeed uu
soo saaray Afhaye enka Madaxtooyada JSL, Mudane, Siciid
Cadaani Mooge, ayaa waxa uu u qornaa sida tan “Ma daxweynaha
Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu
maanta xaf iiskiisa kulan kula yeeshay wefdigii ka socday
dalka Ruushka.
Wefdigaasi oo isugu jiray, saraakiil ka tirsan shirkadaha waaweyn ee
dalka Ruushka iyo niman maal qabeeno ah, waxa ay ku yimaadeen
Jamhuuriyadda Somaliland, booqasho dhawr maalm ood ah, iyadoo
ujeedada socdaalkooduna uu ahaa in ay soo indho indheeyaan,
Mashaariicda u baahan maalgashiga dalalka shisheeyaha.
Madaxweynuhu, waxa uu wefdigaasi ugu mahad naqay booqashada ay ku
yimaadeen Somalila nd, si ay indhahooda ugu soo arkaan Nabad
gelyada iyo Xasiloonida ka jirta dalka ,. Isagoo isla markaana
carababaabay inay Somaliland gacmo furan ku soo dhawaynayso cid
allaale cidii da naynaysa in ay maal gashi ku samayso dalka,
maadaama aanu leenahay dal dihin oo leh khay raad badan oo ku
jira Bad iyo Berriba.
Madaxweynuhu, waxa kale oo uu soo qaaday , Mashaariicdii ay hore uga
fuliyeen Somaliland dalkii la odhan jiray Soviet Union , kuwaasi oo
ay ka mid ahaayeen Dekeda iyo Madaarka Maga alada Berbera.
Wefdigaasi ka socda Dalka Ruushka, intii ay joogeen dalka , waxa ay
la kulme en, Wasiiro dhawr ah iyo saraakiil ka tirsan kuwii ku
soo tababartay dalkii la odhan jiray Soviet Union oo yaqaana Afka
Ruushka, waxana wefdigu ay si weyn ugu mahad naqeen dadweynaha reer
Somaliland, Xukuumad iyo Shacbiba, sidii diiranayd ee loogu soo
dhaweeyay Somaliland intii ay joogeen, iyagoo ballan qaaday in aanu
noqon doonin safarkani kii ugu danbeeyay ee ay ku yimaadaan
Somaliland, iyagoo marar kale ku soo noqon doona dalka”.
Source:SN
|