Madaxweynaha oo Tacsiyadeeyay Qoyskii Xaawa-luul Sheekh Maxamed Jirde




Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed (Siilaanyo), Madax weyne ku-xigeenka JSL, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) Xubnaha gol aha wasiirada, iyo madaxda kala duwan ee qaranku waxay tacsi u dirayaa dhamaanba re er Sheekh Maxamed Jirde iyo reer Maxamed Cabdi, gaar ahaan Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde oo ay ka tacsiyadaynay aan geerida ku timid Walaasheed Xaawa-luul Sheekh Maxamed Jirde oo ku geeriyootay Dalka Ingiriiska 23.02.2014.

Sidoo kale waxay tacsi taasi la mid ah u dirayaan Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, iyo Asxaa btii, ay ka baxday marxuumadaasi, waxaanay illaahay uga baryayaan inuu naxariistii Ja nno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, iyo Asxaabtii ay ka baxadayna Samir iyo Imaan Saadiqa ka siiyo.IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
 

 


Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.