TACSI MADAXWEYNE

 


 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa iyo ka shacbiga Jam. Somaliland-ba waxa uu dhambaal Tacsi ah u dirayaa Bahda Fanka iyo Suugaanta, Eheladii, Qaraabadii, Qoyskii, Asxaabtii iyo Guud ahaan shacbiga reer Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaya Geerida ku timid ALLE ha u naxariistee Marxuum Abwaan Cali Sugulle Cigaal (Dun-Carbeed) oo ku geeriyooday Cusbitaal ku yaalla magaaladda Dubai maanta oo ay taariikhud tahay 11/01/2016.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Siilaanyo waxa uu sheegay in Abwaan Cali Sugulle uu ahaa Abwaan ay soo wada koreen isla markaana ay taariikho dheer wadaa geen, ahaana nin taariikh weyn ku lahaa guud ahaan Ummadda ku hadasha Afka Soom aaliga, Madaxweynuhu waxa kale oo uu Abwaan Cali Sugulle ku tilmaamay inuu ahaa tiir dhexaad ka baxay fanka iyo suugaanta, taariikh ma guurto ahna uu ku lahaa Qaran ka Somaliland iyo shacbigaba.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janatu fardaw sa ka waraabiyo Bahda fanka iyo Suugaanta, Qoyskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxdayna samir iyo iimaan ka siiyo.


INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
 


Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.