Madaxweynaha oo Saaka Qasriga Madaxtooyada Ku Qa abilay Wefdi Ka Socda Safaarada UK ku leedahay Ethiopia
 


Hargeysa (TNN)- Warsaxaafadeed uu soo saaray afhayeenka Madaxtooyada Siciid  Ca daani Mooge, ayaa waxa uu u qornaa sida tan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda  Somal iland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu saaka Qasriga Madaxtooyada ku  qaabil ay Wafti ka socda Safaaradda Dawlada Britten ay ku leedahay Dalka Ethopia. Waftiga as oo booqasho gaaban ku yimi Somaliland waxa hogaaminayay Safiir ku Xigeenka Safaarada Britten ee Dalka Ethopia Mr. John Marshal.

Waftigaasi oo ujeeddada socdaalkoodu u ahaa sii xoojinta xidhiidhka labada dal iyo in ay u kuur-galaan Marxaladaha Siyaasada iyo aminga Somaliland, gaar ahaan halka  ila ahada ay Marayso u diyaar garawga Doorashooyinka Dalka ku soo fool leh.

Madaxweynaha oo hadal kooban Waftigaasi u jeediyay waxa uu Carabaabay in  Somal iland Marwalba intii tamarteeda ah ay si taxadir leh u ilaashanayso nabadeeda iyo  Xa siloonideeda iyadoo aynu ka war qabno amaan-darida iyo khataraha Mandaqada  Gee ska ka taagan.

Madaxweynuhu isagoo arintaas sii faah-faahinaaya waxa uu yidhi(Waxaan Codsanay naa in Wadamada Caalamku oo Britten ka mid tahay in ay naga caawiyaan sidii  marw alba aan u sugi lahayn Arimaha nabadgelyada iyo amnigaSomaliland ay ku Caano  maa shay)

waxa kale oo Madaxweynuhu soo qaaday in wax allaale wixii khilaaf Siyaasi ah ay  Som aliland dhexdeeda ku dhamaysandoonto sidii looga bartay, iyadoo Komishanka Cusub ee Doorashooyinkana Madaxweynuhu ku hanbalyeeyey sida fiican ee hawshoodu u  w adaan iyadoo Xukumadiisuna ay marwalba diyaar u tahay in ay Dalka ka qabsoomaan Doorashooyin Xor ah oo Xalaal ah marka Komishanka Doorashooyinku wakhtigeeda Cayimaan.

Mr. John Marshal Safiir ku Xigeenka Britten ee Dalka Ethiopia oo isagu goob joog ka  ah aa Heshiisyadii Lixda qodob ka koobnaa ee Axsaabta Qaranku kala Sexeexdeen, waxa uu ku Amaanay Madaxweyne Rayaale iyo Xukumadiisaba sida marwalba ay uga  go’an tahay in Doorashooyin Xor oo Xalaal ah ay Dalka ka qabsoomaan isla markaana sida ay had iyo jeer u ilaashanayso nabad gelyada iyo Xasiloonida dalkeeda ka jitra, taasoo uu gaadhsiin doono Madaxda Xukumada Britten.

Waftigaasi Safaaradda Britten waxa kale oo ka mid ahaa Mr. Matt Woods oo isaguna ah Madaxda sare ee Safaarada Britten ee Dalka Ethiopia .


Waftigu intii ay joogeen Somaliland waxa kulamo kala duwan ay la yeesheen Wasiirro dhawr ah oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibada Wasiirka Dib u Dajinta iyo Wasiirudawlaha Arrimaha Gudaha.

Waxa kale oo waftigu kulama iyana la yeesheey Komishanka Doorashooyinka iyo qaarka mid ah Axsaabta Qaranka”.

Source:sn