Madaxweynaha oo Saaka Qaabilay Wefdi balaadhan oo ka socda Hay’adaha Ka Hawl gala Somaliland

 


Hargeysa (TNN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Daahir Rayaale Kaahin, waxaa uu Maanta Xarunta Madaxtooyadda kulan kula yeeshay Wafti balaadhan oo ka socda Hay’addaha Caalamiga ah ee ka hawl gala Mashaariicda Horumarinta Somaliland.

Waftigaasi oo uu hogaaminaayo wakiilka laanta Qaramadda Midoobay u qaabilsan  Mashaaric da Horumarinta ee Marka la soo gaabiyo loo yaqaano “UNDP” Mr. Mark Bowden, isla  Markaa na ay ka mid ahaayeen Wakiilo ka socda Baanka Aduunka, Ururka Isbaahaysiga Reer Yurub iyo laama kale oo ka tirsan Hay’addaha Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay, waxaa mudo dhoor Maalmooda ah kulan Aqoon is waydaarsi ah ay ku lahaayeen Hutel-ka Ambasadoor.


Kulankaas oo lagu lafa guraayey looguna kuur galayey Mashaariicda Hay’addahaasi ay ka fuliyeen Somaliland iyo kuwa u qorshaysan inay ka hirgeliyaan Mustaqbalka dhaw, waxa ka soo qayb galay Aqoon iswaydaarsigaasi Dadbadan oo ku dhaw 100-qof kana socda Wasiiro, Golayaasha Qaranka Somaliland, Axsaabta Qaranka iyo Hay’addaha kale ee qaabilsan horumarka Bulshada.

Madaxweynuhu hadal kooban oo uu waftigaasi u jeediyey markii uu la kulmay Waxaa marka hore uu ugu mahad naqay kaalmooyinka Hay’addaha Caalamiga ah ay ka hirgeliyaan Somaliland iyo kuwa kale ee u qorshaysanba heer kasta oo ay yihiin”.

Waxaa u Madaxweynuhu ka dhawaajiyey in ay lagama Maar-maantahay in ay Hay’addahaas Caalamiga ay ahmiyad gaar ah ay siiyaan baahida dag-dega ah ee Shacbiga Somaliland, gaar ahaan Mashaariic Shaqooyin loogu abuuraayo Dhalinyarada, horumarinta Biyaha, Caafimaadka, Tacliinta, iyo meelaha kale ee ay ka jirto baahida dagdaga ah iyada oo ay dalka ka dhaceen Abaarro meelo badan saameeyey .

Madaxweynuhu waxaa iyana soo qaaday in ayna u qalmin Somaliland in had iyo jeer lagu qiimeeyo waxyaabaha ka dhacaaya Somaliya iyada oo Aduunku u ka war hayo waxay qabsatay Somaliland 18-kii sanadood ee u danbeeyey gaar ahaan dhinaca Nabad gelyada, Xasiloonida iyo Geedi socodka Dimuqraadiyadda.

Kulankaa maanta ka dhacay Xarunta Madaxtooyadda waxa kaloo goob joog ka ahaa Wasiirka Qorshanta Somaliland Mudane Cali Ibraahim(Cali Sanyare) oo isna si guud uga hadlay Shirkii Aqoon is waydarsiga ee Waftigu ay ku qabsadeen Somaliland iyo Mashaaricda ay damacsan yihiin in ay ka hirgeliyaan Dhawrka Sano ee soo socda”.




Af-hayeenka Madaxtooyada JSL
Mudane Siciid Cadaani Mooge